Madaxweynaha Somaliland oo kulan ah La qaatay wasiirkii hore ee wasaaradda horumarinta Beeraha

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka xarunta madaxtooyada kulan gaara kula qaatay wasiirkii hore ee wasaaradda horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed oo kamida siyaasiyiinta saameynta weyn ku leh gobolka Awdal.

Kulanka madaxweynaha iyo siyaasi Seed oo saacado badan qaatay oo aanu jirin war kasoo baxay labada dhan , ayaa hadana loo badinaya inuu la xidhiidho dhanka ololaha doorashada madaxtinimada iyo sidii uu doorkiisa uga qaadan lahaa siyaasigani guul markale doorashada uu ka gaadho xisbiga Kulmiye oo xilka qaadista lagu sameeyay dhawaan wasiirku aanay sabaabin inuu xisbiga ka huleelo.