Madaxweynaha Somaliland Oo Khudbad Ka Jeediyey Jaamacadda The George Washington Oo Ku Taalla Maraykanka

MARAYKANKA – (WARSOOR)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi oo ku gudojira socdaalkiisii Maraykanka oo galay maalintiisi Tobnaad, ayaa maanta khudbad dheer oo la xidhiidha, xidhiidhka caalamiga ah iyo doorka Somaliland ka jeediyey machadka darasaadka Afrika ee Jaamacadda The George Washigton ee dalkaas Maraykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigiisii oo lagu marti qaaday Jaamacadda The George Washigton, wuxuu sheegay inay Somaliland u halgamayso madax-bannaanida halgameyaashii George Washington ka mid ahaayeen ay dhaxal uga tageen dadka Maraykanka. Madaxweynaha JSL wuxuu ka xog-warramay sooyaalkii taariikheed ee ay Somaliland soo martay iyo xornimadii ay ka qaadatay Ingiriiska 26-kii June 1960kii.

Madaxweynuhu wuxuu xusay inay Somaliland tahay dal bogcad istaraataji ah kaga taalla gobolka Geeska Afrika iyo gacanka cadmeed. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray dib u dhiska dalku uu Jamhuuriyadda Somaliland ku qaatay muddo 33 sannadood ah inay soo gaadho heerka maanta ay ku naalloonayso oo ay caalamka u soo bandhigtay inay iskeed is-bixisay aqoonsi la’aan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu iftiimiyey inay Somaliland leedahay Xukuumad, laba aqal oo baarlamaan oo la soo doortay, isla markaana ay dalka ka dhaceen 22-kii sannadood ee la soo dhaafay lix doorasho oo u qabsoomay hannaan xor iyo xalaal ahi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu sheegay in Somaliland ay ka jirto xasilooni cago-adag ku taagan, waxaanu ka hadlay qaraxii argagixiso ee ka dhacay Hargeysa 2008 iyo dilkii Macalimiintii Ingiriiska ahaa lagu khaarajiyey Dugsiga Sheekh Sannadkii 2004-tii, waxaanu tilmaamay in muddadii intaas ka dambeysay ay Somaliland xuduudaheeda beriga iyo baddaba ay ka fogaysay kooxaha argagixisada iyo budhcad-baddeedda halista ku haysa gobolka Geeska Afrika.

Waxa kaloo uu tilmaamay madaxweynuhu inay Somaliland ilaalo xoog leh ka hayso badda cas iyo marinka gacanka Cadmeed oo ah ka ugu mashquulka badan ee ganacsiga adduunka iskaga gooshaa uu maro.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi wuxuu sheegay in dawladnimadda Jamhuuriyadda Somaliland ku socoto cashuurta laga qaado muwaadiniinta, isla markaana aanay jirin cid ka kabta miisaaniyadda, waxaanu xusay inay Somaliland isla markaana laga dhisay adeegyada bulshada ee aasaasiga ah sida dugsiyada, xarumaha caafimaadka iyo kaabeyaasha dhaqaale ee dalkaba.

Waxa kaloo uu intaas ku daray inay Somaliland dawladdii Soomaaliya ku duqaysay diyaaradihii laga soo iibiyey cashuurta shacbiga isla markaana la duqeeyey oo la burburiyey magaalooyinka dalka iyo dhammaan xafiisyada iyo adeegyada guud ee dalka.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Somaliland lixda gobol ee waaweyn laga dhisay 1,000 dugsi, isla markaana gobol walba laga hirgaliyey Jaamacad. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu caddeeyey in 400 oo rugo caafimaad ay Somaliland dhisatay. Waxaanu xaqiijiyey inay Somaliland tahay dal aan lagu lahayn wax deyn ah.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Somaliland xafiisyo wakiil ku leedahay 28 dal oo caalamka ku kala yaalla, isla markaana ay magaalada Hargeysa xafiisyo ku leeyihiin dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Turkiga, Imaaraadka iyo Taiwan, waxaanu xusay in yoolka ugu weyn ee Somaliland leedahay ay tahay inay beesha caalamka ka hesho aqoonsi caalamiya.

Mar uu ka hadlayey maalgashiga waxa Madaxweyne Biixi sheegay inay casriyeynta marsada Berbera maalgelisay shirkadda DP World, oo dhammaystirtay wejigii hore ee ballaadhinta dekedda oo ay ku baxday 400 oo milyan oo doolar, halka wejiga labaadna ay sannadkan gelinayso 600 oo milyan oo doolar. Madaxweynuhu wuxuu iftiimiyey inay Somaliland doonayso inay xidhiidh ganacsi la yeelato dalalka aan badda lahayn ee gobolka.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegay inay Somaliland aanay macaamil la lahayn Baanka adduunka ee IMF, isla markaana ay doonayaan in ganacsatada dalku ay cilaaqaad la yeeshay hay’adaha maaliyadda, maadaama oo Somaliland uu ka jiro suuq xor ahi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu sheegay inay maamulka Maraykanka ku booriyeen inay xafiis ka furtaan Somaliland, kaasi oo muhiim u ah labada dhinac.
Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay inay Hay’adda USAID iyo Qarammada midoobay ugu baaqeen inay kaalmada ay toos u siiyaan Somaliland, waxaanu tusaale u soo qaatay in tallaalkii xannuunka COVID19 ay dawladda Soomaaliya u soo dirtay Somaliland xili uu dhacay wakhtigii tallaalka loogu talogalay.

Ugu dambeyn Madaxweynuhu wuxuu madashaas kaga jawaabay su’aalo kala duwan oo laga weydiiyey Somaliland dimuqraadiyadeeda, iyo horumarkeeda iyo asbaabaha ay u danaynayaan inay xidhiidh la yeeshaan Maraykanka.

ALLAA MAHAD LEH