Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb Galay Aas Qaran Oo Maanta loo sameeyey Marxuum Cabdikariim Xaashi Cilmi, Agaasimihii Wasaaradda Gashaandhiga

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay Aas qaran oo loogu sameeyey Magaalada Hargeysa Marxuum Cabdikariim Xaashi Cilmi oo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindia, maantana la keenay dalka.

Madaxweynaha oo ka hadlay shaqsiyada Marxuumka ayaa yidhi “Cabdikariim Xaashi Cilmi illaahay naxariisto janno ha ka waraabiyo, Samir iyo iimaana ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay ha ka siiyo iyo kulligeenba, nin waddaniya oo dalka waxbadan u qabtay ayuu ahaa” waxa kale oo halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa masuuliyiintii aas-kaasi ka hadlay ayaa si wayn uga hadlay shaqsiyadii Marxuun Mujaahid Cabdikariim Xaashi Cilmi, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa shaqsiga kaliya ee uu ka xishooday Qalinka Madaxweyne Siilaanyo. “ Geeridu waa xaq weeye, dhamaanteena waxa aynu nahay adoomo ILAHAY, waxa aynu nahay dad ku xukuman geeri waynu wada dhimanaynaa, Rasuulkeeni suubanaa ee inoogu fadliga badnaa ayaa dhintay, oo isaga oo nool ILAHAY ku yidhi “Adna waa dhimanaysaa Iyana waa dhimanayaan,” qofba maalin ayey u imanaysaa iyo sabab iyo saacad, waxa aynu nahay dad iimaan leh oo muslimiin ah oo rumaysan arrintaas. Waxaan halkan ka tacsidaynaynaa walaalkeen Cabdikariim Xaashi Cilmi, inuu ILAHAY Samir iyo iimaan inaga siiyo, shacbiga Somaliland dhameentiiba gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna inuu ILAHAY Samir iyo iimaan ka siiyo, isagana inuu u dambi dhaafo.

Wasiirka Xaashi ayaa sidoo kalena ka sheekeeyey hawl karnimadiii Marxuumka waxaanu yidhi “ Cabdiakriim waxa uu ahaa shaqsi qarankan qaali ku ah, halyey qaran ayuu ahaa, wuxuu ahaa nin taariikh dheer leh, wuxuu ahaa nin dun iyo dadnimo wanaagsan, wuxuu ahaa nin dulqaad leh oo dabeecad wanaagsan. Cabdikariim waxa uu ahaa nin aan dhacdhac lahayn, nimaan dusdus lahayn, wuxuu ahaa nin dadnta guud ee ummadda ka soo shaqeeyey oo taariikhda ummaddan ku xardhan, haday tahay halgankii dib u xoraynta dalka, haday tahay halgankii dib u dhiska dalka, iyo hubkadhigistii intaba kaalin weyn ayuu kaga jiray.

Wasiirka Maxamuud ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Cabdikariim waligii isaga oo dan gaar ah u socda lama arag, wuxuu ahaa agaasimhii guud ee Wasaarada Gaashaandhiga, mudo dheerbuu xilkaa hayey, wuxuu ahaa agaasimaha kaliya ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ugu yimid xilka, ee uu ka reebay badalkii agaasime-yaasha guud ee xilka hayey. Waa masuulka kaliya ee qalinkiisu uu ka xishooday, waxaanu ku xurmaynayey waxay ahayd Aqoontuu u lahaa, karaamaduu ummaddan ku lahaa, xurmaduu lahaa, wali isaga oo dan gaar wata, Madaxweynaha iyo Madaxtooyada ma iman, dan guud iyo tallo guud mooyee, qofkaas ayuu ahaa, noloshana waanu ku naqaanay aaska iyo xabaasha uun ku amaani maynee.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.