Madaxweynaha Somaliland Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaaladda Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Weftii Madaxweynuhu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ee Khamiistii hore u safray gobolada bariga ayaa galabta oo Axad ah ku soo guryo noqday Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

madaxweynaha_Somaliland_soo_dhawayn

Weftigan madaxweyne Somaliland hogaaminaayey ayaa guulo taariikhiya kala soo noqday gobolada sool, Saraar iyo Togdheer, ayaa maalmahanba ku hawlanaa sidii shacbiga Somaliland u noqon lahayeen kuwo ka siman mashaariicda horumarineed ee dalka iyo dadka wax loogu qabanayo iyadoo madaxweynaha ay ka go’an tahay wada jirka iyo wada nolaanshaha ummadda uu madaxweynaha u yahay kuna metelo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee gadhwadeenka ka yahay.

Safarkaasi oo qaatay muddo afar maalmood ah ayaa dhagixii u dambeeyey ee mashaariicda Madaxweynuhu ku hawlanaa lana xidhiidhay safarkiis, isagoo sii waxata waxa uu saaka gobolka togdheer magaalo madaxdiida Burco uu madaxweynuhu dhagax dhigay dhisme laba dabaq ah oo uu yeelan doono gobolka togdheer, iyadoo dhismihii hore oo ahaa mid soo jiray muddo dheer lehna taariikh facweyn, laga bilaabo 21.08.2016 uu madaxweynuhu u dhagax dhigay in laga hirgeliyo ama laga bineeyo gobolka dhisme ka balaadhan kaas, ka dibna weftigu waxay u soo amba-baxeen dhinaca gobolka Saaxil.

madaxweynaha_Somaliland

Markii uu madaxweynuhu soo gaadhay degmooyinka iyo tuulooyinka ay ka midka yihiin degmada sheekh, Hudusa, Laalays iyo kuwo kaleba, waxa isugu soo baxay shacbiga ku dhaqan deegaamadaasi oo madaxweynaha iyo weftigiisa si balaadhan u soo dhaweeyey, ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay magaalada Berbera oo loogu sameeyey hadhimo sharafeed,waxanay u soo boqooleen ama u kicitimeen dhinaca gobolka Maroodi-jeex, intii ay jidka ku soo jireenna waxa uu shacbiga Lafa-ruug, Abdaal, Dacar-budh, iyo tuullooyinka kaleba ku soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftiga dadweynaha deegaamadaas. Iyadoo bulshada ku dhaqan Hargeysi ay  madaxweynaha ku qaabileen soo dhawayn ay kaga horyimid duleedka magaalada, iyagoo soo buux dhaafiyey laamiyada koonayaashooda kuwaasi oo taxnaa ilaa qasriga madaxtooyada, madaxweynuhuna guud ahaan dadkaasi ilaa saaka soo dhawaynayey waxa uu ku qaabiley salaan gacantaag ah oo uu shacbiga ugu mahadnaqayey sida ay u soo dhaweeyeen, isuna khilqaameen.

Ugu dambayn safarkan madaxweynuhu ku tegay gobolada bariga Somaliland qaar ka mid ah ayaa waxbadan ka bedelay guud ahaan taariikhda gobolka Sool, iyadoo madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo muddadii uu tallada dalka hayey xooga saaray sidii goboladaasi u noqon lahaayeen kuwo la tallaabsada lana jaan qaada guud ahaan gobolada kale ee iyagu nasiibka u yeeshay inay horumar ka sameeyaan dhinaca kaabayaasha arrimaha bulshada, safarkan madaxweynaha ayaa muujiyey furfurnaan iyo isbedel mugleh kana muuqda gobolka Sool magaalo Madaxdiisa Laascaanood oo iyagu muddo kooban ku tallaabsatay horumar aan la qarin karin lana hilmaami karin, shalay ayuunbay ahayd markii madaxweynuhu ka dhagax dhigay kuwana xadhiga ka jaray mashaariic ku kacaysa 7milyan oo doolar oo xukuumadda Somaliland ugu tallo gashay in lagu horumariyo gobolkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.