Madaxweynaha Somaliland oo Badhasaan Cusub u Magacaabay Gobolka Togdheer

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

Wareegtada Madaxweynahaoo nuqul ka mid ahi soo gaadhey wakaaladda wararka ee Solna ayaa u dhignayd Sidan:-Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Maxamed Diiriye Xayd Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.