Madaxweynaha Somaliland oo Agaasimaha Guud ee Shaqo Abuurka

Hargeysa – (warsoor)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-205/102018, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid

Markaan Arkay:              Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Dersay:            Muhiimadda uu Barnaamijka Shaqo Qaran u leeyahay Dhismaha Qaranka, Dhiiri-gelinta Dhallinyarada iyo Dardar-gelinta Hawlaha Shaqo Abuurka;                      

 

Markaan Arkay:              Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

 

Markaan ku Qancay:        In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey:           La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Mudane, Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.