Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti Uu Hoggaaminayo oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Gobolka Gabiley

Gabiley – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si  ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley oo ay socdaal shaqo ku tageen.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo safar shaqo ku jooga gobolka Gabiley, ayaa waxa soo dhaweyn diirran ku qaabiley qaybaha kala duwan ee shacabka reer Gabiley oo ku labbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, isla markaana ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, kuwaas oo ay ka muuqatay taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan yihiin madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Kumannaan kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley oo taxnaa kaantaroolka iyo waddada weyn ee badhtamaha magaalada marta, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa u gelbiyey guriga martida magaalada Gabiley, waxana intaas kaddib  ujeeddada safarka madaxweynaha ka warbixiyey Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ujeeddada madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo socdaalkoodu waxa uu daarran yahay hawl-maalmeedkii shaqo ee dastuuriga ahaa ee uu madaxweynuhu ku mari jirey gobollada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. muddada uu madaxweynuhu gobolka Gabiley ku sugan yahana waxa uu xog-ogaal u noqon doonaa xaaladda guud ee gobolka iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda, waxana madaxweynaha iyo weftigiisu  kulamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolka.”

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac waxa uu guud ahaanba  shacabka gobolka Gabiley  ku dhaqan iyo maamulkooda ugaga mahadnaqay sida aan kala hadhka lahayn ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo.

Wa-baahi Tawfiiq
— 

Naasir Yuusuf DaahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.