Madaxweynaha Somaliland ayaa mudeeyey Fadhiga Golaha Cusub ee Wakiilada

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa digreeto madaxweyne ku go’aamiyey fadhiga 1aad ee Golaha Wakiilada Cusub la filaayo in ay ku doortaan shir-guddoonka golaha.

Wareegtadan ayaa u dhignayd sidan:

Xeer Madaxweyne: 01/08/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 13/082021 uu maanta ku meel mariyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub.

Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 13/082021
Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub

Markaan Arkay: Qodobka 44aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isugu yeedhayo Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub;

Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/GDD/28/2021, kuna taariikhaysan 07/07/2021, ujeeddadiisuna tahay Ansixinta Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tix-geliyey: Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Waxaan Go’aamiyey;

In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.