Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu Mareykanka kala shaqeeyo sidii nabad iyo xasillooni loogu soo dabbaali lahaa caalamka

SHIINAHA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu Mareykanka kala shaqeeyo sidii nabad iyo xasillooni loogu soo dabbaali lahaa caalamka.

Dhambaalka hambalyada ah ee casho-sharafeedka sanadlaha ah ee guddiga qaran ee xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha, Xi ayaa ku daray in Shiinaha iyo Mareykanka ay tahay in ay is ixtiraamaan, kuna wada noolaadaan si nabad ah.

Kani waa hadalkiisii ​​ugu horreeyay  madaxweynaha Shiinaha ee ku saabsan xiriirka Mareykanka ka dib markii loo doortay mar saddexaad oo taariikhi ah madaxweynenimada usbuucan.

Xi waxa uu rajaynayay in guddiga qaran ee Shiinaha u qaabilsan xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha uu sii wadi doono doorkiisa firfircoon, isaga oo ka caawinaya xidhiidhka laba geesoodka ah in uu ku soo laabto jidka horumarka caafimaad iyo xasilloonida leh.

Dalalka maraykanka iyo Shiinaha ayaa xiriirkooda siyaasaddeed waxa hore u hareeyey khilaafaadyo caalami ah kaas oo ku dhisan loolanka dunida.