Madaxweynaha Puntland oo casho sharaf u sameeyay martidii ka qeyb gashay shirkii Garowe

Muqdisho -(warsoor) – Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi  Deni,ayaa xalay Casho sharaf u sameeyay Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland, Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo Garowe kaga qeyb galay doodaha aragti-wadaaga ee Machadka Heritage.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Goleyaasha Dowladda iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Madaxweynaha Puntland Mudane Sicidi Cabdullaahi Deni ayaa sheegay  in doodaha aragti-wadaaga ee Machadka Heritage uu kusoo aaday marxalad loo baahnaa in madaxda Soomaaliyeed ay isu yimaadaan oo fursad ay kuwada hadlaan oo wax ku rogrogaan ay helaan.