Madaxweynaha oo ku Dhawaaqay Bilowga Diiwaangalinta Cod-bixiyeyaasha Ee Gobolka Maroodi-Jeex

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay dib u bilowga diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada hadhsan, gaar ahaan kan gobolka Maroodi-jeex oo 30-04-2016 ay si rasmi ah uga furmayso dhammaan goobaha loogu talogalay ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Ku dhawaaqidan madaxweynuhu waxa uu ka jeediyey hoolka shirarka ee Guuleed Hotel, halkaasoo ay xaadir ku ahaayeen, komishanka doorashooyinka qaranka, Asxaabta qaranka, xubno ka socday deeq bixiyeyaasha, ururada bulshada, masuuliyiin kala duwan, Madax-dhaqameed iyo dadweyne aad u tiro badan.

DSC_0046

Madaxweynuhu waxa uu iclaamintiisan ku cadeeyey, sida uu marar horeba sheegay, sida uu diyaarka ugu yahay, isaga iyo dawladda uu hogaaminayaaba inay dalka ka dhacdo, doorasho xor iyo xalaal ah, oo ku qabsoonta xiligii loogu talogalay, waxa kale oo uu soo jeeyey dhamaan codbixiyeyaasha in si hufan oo waddaninimo ku jirto looga qaybgalo diiwaangelintan taariikhiga ah ee dalka ka socota, dhamaantoodna is-diiwaangeliyeyaashu, madaama ay qaan-gaadh yihiin, ay muujiyaan masuuliyad iyo in aanu qofna mar wax ka badna is-diiwaangelin.

Khudbadii madaxweynuhu jeediyeyna waxay u dhignayd sidan:-

Asalamu Calaykum Wa raxamtulaahi Wa Barakaatu,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Maanta oo ay taariikhdu tahay 28/04/2016, waxa ii farxad ah in aynu si rasmi ah ugu dhawaaqno bilowga Diiwaangalinta Cod-bixiyeyaasha ee Gobolka Maroodi-jeex.

Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu waa laf-dhabarta hufnaanta doorasho xor iyo xalaal ah, sidaa darteed, waxa loo baahan-yahay in aynu ku qaabilno waddanimo iyo daacadnimo.

Maadama dadka is-diiwangalinaya yihiin muwaadiniintii dalkan lahaa, waxa saaran masuuliyad, taasoo ah mid dastuuriya loona baahan yahay in uu si masuuliyad iyo qarannimo ku jirto u guto qofku.

Waxa inoo bilaabmay raxmaadkii Illaahay,  abaartiina Illaahay wuu innaga jabiyey inteedii badnayd, sidaa darteed, waxaa inagu waajib ah Mahadnaq iyo xamdi Rabbi.

Sidii balanteenu ahayd waxaynu halkii  kasii wadaynaa in aynu ka baxno muddadii aynu u hakinay abaarta kululayd.  Sidii ay iclaamiyeen Guddida Doorashooyinka Qarankuna waxaa bilaabmaya diiwaangalintii Cod-bixiyeyaasha ee Gobolka Maroodi-jeex oo ah gobolka ugu weyn, uguna muhiimsan, isla markaana ugu dadka badan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaan marar badan oo hore u sheegay, waxa aniga iga go’an, xukuumadda aan Madaxda u ahayna ku hoggaaminayaa  in ay dalka ka qabsoonto  doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta wakhtigii loo asteeyey ee ah horaanta 2017 Hadii Alle Idmo.

Imika laga bilaabo waxaan iclaamiyey bilaabashada diiwaangalinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Mardooji-jeex, Ilaahayna talada iyo tubta wanaagsan ha ina waafajiyo.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.