Madaxweynaha Oo Kormeer Ku Tegay Garoonka Kubadda Cagta Ee Hargeysa Stadium Oo Dhakhaatiir Imaaraadka Carabta Ka Socday Ay Ka Wadaan Gargaar Caafimaad

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta kormeer ku tegay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium oo ay gargaar caafimaad ka wadaan dhakhaatiir Imaaraadka carabtu u soo diray Somaliland, kuwaasi oo maalmahanba ka waday daaweynta iyo shaybaadho dadkii is-diwaangeliyey ee nasiibka u yeeshay inay noqdaan dadka sida tabarucaadka ah loogu adeegayo kuwaas oo kor u dhaafay shan kun oo qof.

Madaxweynuhu waxa uu kormeerkiisa xog waran kaga dhegeystay dhakhaatiirtii ku guda jiray hawshaasi caafimaad, waxaanu mid mid u dul istaagay dadkii ku sugnaa goobta oo qaarkood u jiifeen xanuunada laga dawaynayey ama laga baadhayeyba, markii kormeerka madaxweynuhu soo dhamaadayna waxa saxaafadda la hadlay dhakhaatiirtii hawsha gacanta ku haysay oo ka mahad sheegtay sida ay xukuumada iyo shacbiguba ula shaqeeyeen. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Saleebaan Axmed Ciise (Xaglotoosiye), oo madaxweynaha warbixin ka siiyey sida ay hawshu u socoto iyo dadka la daweeyey ilaa wakhtigan, waxaana ka mid ahaa hadaladiisi “Mudane madaxwayne waanu kaga mahad celinayanaa wakhtigaaga qaaliga ah ee aad ugu timi dhakhaatiirtan imaaraadka ka socda ee u yimi inay dadkeena daweeyaan kuwaas oo ay la shaqaynayaana dhakhaatiirta wasaaradda caafimaadku, madaxwayne mudadii dhawrka casho ahayd ee ay joogeen waxa is diiwaan galiyay 5,000 oo qof ilaa hadda waxay daweeyeen oo ay la kulmeen 2,000 oo qof waxaanu ku rajo waynahay inay 5,000-ba arkaan. Waxay dawaynayeen cuduro kala duwan. Waxa kale oo farxad noo ah in dhakhaatiirta wasaarada caafimaadku la shaqayn doonaan ururkan una raaci doonaan meel kasta oo caalamka ka tirsan”.

Madaxweynaha oo isna mahadnaq u diray dawladda imaaraadka carabta iyo dhakhaatiirta ku hawlan shaqadan, ayaa yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa dawladda imaaraadka iyo dhakhaatiirta halkan timi waxyaabaha ay qabteen iyo hawlaha ay tarayaan aad baanu ugu mahad celinayaan Alle haydinla qabto gacan buuxdana waa idin siinaynaa waxaanu idinla qaban karnana waa idinla qabanaynaa”.

Halkan ka daawo :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.