Madaxweynaha Mareykanka oo Yurub kaga qeybgalaya shirar muhiim ah

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa gaaray Magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga,si uu uga qeybgalo shir madaxeedka G-20 ee looga hadlaayo arrimmaha canshuuraha oo ah ajeendaha ugu horeeya oo heer caalami ah.

Madaxweynaha ,ayaa sidoo kale habeenka Axada ee soo socota u ambabixi doona Scotland, si uu uga qayb galo shirka cimilada ee Qaramada Midoobay.

Mr Biden waxa uu isku dayi doonaa in uu gudbiyo fariinta ah in Maraykanku uu dib ugu soo laabtay dadaalka loogu jiro wax ka qabashada isbadalka cimilada, ka dib markii madaxweynihii ka horeeyay ee Donald Trump uu ka baxay heshiiskii cimilada ee Paris.

Safarkaan, ayaa imaanaya xilli madaxweynaha iyo xubnaha dimoqraadiga uu ka dhaxeeyo muran ku saabsan meel marinta qarashaad loogu talagalay mashaariicda gudaha dalkaasi,wuxuuna Joe Biden codsaday in marka hore la taageero qorshayaashiisa sharci eek ku aadan ka qeybgalka labada shir madaxeed ee ka dhacay Rooma iyo Scotland