Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland iyo Taliyaha Howlgalka Ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ee Soomaaliya oo Kulan Yeeshay

JUBBALAND – (WARSOOR) – Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Howlgalka Ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdiga Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Cor.Thomas Sarrouf iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab iyo taageerada howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka kooxaha Argagixsada, waxaana dhowr jeer oo hore ay duqeeymo lagula dagaalamayo kooxahaasi ka fuliyeen meela badan Jubada Hoose kamid ah.

Wixii warar ah eek u soo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa.