Madaxweynaha Koofur Galbeed oo soo gaaray Muqdisho

Baydhabo – (warsoor) – Madaxweynaha  Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane; C/casiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ), ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho , si uu uga qeyb galo aaska Qarn ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir,  Eng C/raxman Cumar Cismaan (Yariisoow), oo ku geeriyooday Dalka Qatar, markii uu dhaawac kasoo gaaray qaraxii dhowaan ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Laftagareen, ayaa u tacsiyeeyay ehelka iyo qaraabada Marxuumka ee Deggan Magaalada Muqdisho ,isagoo Hoygiisa ugu tagay Ugaaska Beesha uu kasoo jeedey Marxumka, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdull, wuxuuna Alle uga baryay in uu Janadii Firdowsa ka waraabiyo Marxuumka.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle, ayaa ugu mahad celiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane ; Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ), kasoo qeyb galka aaska Qaran Gudoomiyihii Gobolka Banaadir,  Cabdiraxman Cumar Cismaan (Yariisoow).

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.