Madaxweynaha Jubbaland oo ka dalbaday guddiga doorashooyinka bilaabida doorashada golaha Shacabka

JUBBALAND – (WARSOOR) – Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa kulan mahad celin iyo dardaaran isugu jira la qaatay qaar kamid ah xubnaha guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland iyo heer Federaal iyo guddiga xalinta khilaafadka.

Madaxweynaha ayaa xubnahan uga mahad celiyay sida hufan ee ay usoo dhamaystireen Doorashooyinka xubnahii u danbeeyay ee Aqalka sare ee Jubaland ku dhimanaa, isagoo hoosta ka xariiqay in hada wixii ka danbeeya la guda gali doono Doorashooyinka golaha shacabka.

Waxaa uu tilmaamay in guddiga loo baahan yahay in ay si dhaqsiya leh u soo daadejiyaan doorashada xubnaha golaha Shacabka oo uu sheegay in ay muhiin yihiin xilliga kala guurka.

Madaxweynaha ayaa xubnahan ku booriyay inay sii laba jibaaran shaqooyinka horyaala taas oo qeyb ka ah dadaalada dalka loogu jihayno Doorashooyinka oo hada muhiim u ah dalkeena.