Madaxweynaha JSL Oo Abaalmarinno Qaali Ah Guddoonsiiyey Ardaydii Kaalmaha Sare Ka Galay Tartanka Qur’aanka Kariimka

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa abaalmarinno qaali ah guddoonsiiyey Afartii Arday ee Kaalmaha ugu sarreeya ka galay tartanka Sagaalaad ee Qur’aanka kariimka ah oo uu madaxweynaha qaranku sannad kasta maalgeliyo.

Munaasibadda guddoonsiinta abaamarinnahan oo caawa lagu qabtay qasriga madaxtooyada, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay, madaxweyne-ku-xigeenka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah culimaa’uddiinka waaweyn ee dalka, guddiyadii qabatay tartarnka Qur’aanka kariimka ah, xubno kamid ah barayaashii kusoo tabcay ardaydan iyo tiro kamid ah Ardayda kaalmaha sare ka gashay tartanka Qur’aanka kariimka ah, waxana laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo looguna ducaynayo da’yarta xambaarsan Qawlka Eebbe iyo kuwa kaalmaha ugu sarreeya galayba.

Ugu horrayn sheekh Maxamed Aadan oo kamid ah culimada waaweyn ee dalka oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray tartanka qur’aanka kariimka ahi, waxana uu madaxweynaha qaranka ku ammaanay sida masuuliyadda leh ee uu xilka isaga saaray kor u qaadista iyo daryeelidda Qur’aanka iyo Diinta Eebbe, isaga oo u duceeyey dhallinyarada kaalmaha kale ka gashay tartankan.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa isaguna dhankiisa ammaanay doorka madaxweynaha iyo horumarinta Diinta islaamka iyo dhiirrigelinta da’yarta xifdisan qawlka Eebbe, waxana uu Eebbe uga baryey inuu miisaankiisa xasanaadka ku daro, isaga oo dhallinyarada dalkana kula dardaarmay inay xil gaar ah iska saaraan xifdiga iyo ilaalinta Qur’aanka kariimka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna bogaadin iyo ducoba u diray dhallinyarada Qur’aanka xambaarsan iyo culimada ku tacabtay, waxana uu sheegay inuu mar walba hawshaas khayriga ah ee ay ku jiraan ku garab taagan yahay, waxana uu yidhi,”Waxan u kacay inaan hambalyeeyo culimada iyo Ardaydaba hawshaas weyn ee If iyo Aakhiroba wanaagsan ee aad haysaan, ducona idiinku daro, idinkuna garab taaganahay, aad iyo aadna waan idiinku mahadnaqayaa.”

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu abaalmarimihii ay xaqa u lahaayeen guddoonsiiyey Afarta Arday ee kaalmaha ugu sarreeya tartanka Qur’aanka Kariimka ah galay, iyada oo Cabdiqani Maxamed Axmed oo gobolka Maroodi-jeex ka socda, kuna guulaystay kaalinta koowaad la guddoonsiiyey Baabuur cusub, halka Cabdiraxmaan Khadar Maxamed oo gobolka Awdal ka socdaa oo kaalinta labaad ku guulaystay la guddoonsiiyey lacag dhan $2,000 (laba kun) oo Dollar, kaalinta saddexaadna waxa galay, Cabdiraxmaan Ilyaas Maxamed oo ka socda gobolka Sool, kaas oo la guddoonsiiyey lacag dhan $1,000 (Kun) Dollar, iyada oo kaalinta Afraadna uu galay Mudane Ridwaan Daa’uud Xuseen oo kasocda gobolka Maroodi-jeex, kaas oo la guddoonsiiyey abaalmarin lacageed oo dhan $1,000 (Kun Dollar).

Wa-bilaahi Tawfiiq