Madaxweynaha JFS oo maanta hortagaya Golaha Shacabka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kuna beegan 1-da bisha May yeelanaya kullan gaar ah oo uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hortegayo Golaha.

Ujeedka kullanka ayaa daaran Khudbad uu Madaxweynaha Dalka u jeedin doono golaha shacabka Baarlamaanka, taas oo uu kaga warbixin doono Xaaladda dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka.

Madaxweyne Faremaajo ayaa kullankan iclaamiyay Habeenimadii Arbacada soo galeysay ee todobaadkii tegay, wuxuuna sheegay inuu hortagyo Golaha Shacabka si dalka loogu soo celiyo hannaankii Doorasho ee ay ku heshiiyeeb madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.