Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Si Adag Uga Digay Ciidamada Qaranka ee Sida Fudud Loogu Laynayo Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Sanaag

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay ciidamada qaranka ee  ku hawlan sugidda amniga shacabka ee  sida fudud loogu layno deegaanno kamid ah gobolka Sanaag, waxana uu shaaca ka qaaday inaan qaranku u dulqaadan doonin dhibaatada lagu hayo ciidamada qaranka.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlay madal lagu daah-furay qorshaha shanta sano ee hay’adda dhawrista tayada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gu horrayn waxa uu tacsi u diray tiro kamid ah ciidamada qaranka oo dhawaan lagu laayey deegaanka Ceel-Afweyn, isaga oo wax aan loo dulqaadan Karin ku tilmaamay dilka ciidamada qaranka ee soo noqnoqonaya, “Waxa aan Tacsiyadaynayaa ciidankii qaranka Booliska ee lagu laayey deegaanka Ceel-Afweyn oo aanan garanayn sababta loo laayey. Maalin dhaweyd uun bay ahayd markii saarkiishii Booliska ee Jeelka oo wax Allaalle iyo wax lagu laayey aan la garanayn,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidoo kale si cad u sheegay inaan loo adkaysan Karin ii ciidamada qaranka layntooda lagu degdego oo aan waxba la iska saarin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa la yaab leh in cid ama reer uu ciidanka qaranka si dhib yar isaga laayo, haddii looba dulqaato oo la yidhaahdo nabadda halla ilaaliyo ay waddo xalaal ah in ciidankii qaranka la laayo maalin walba oo ninku hadduu qolo yahayna aan la taaban Karin, hadduu qarankii yahayna lagu soo degdegayo oo bilaa macni lagu dilayaa wax la aqbali karo ma aha.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray, “Xukuumaddu ha dulqaadato, dadka halla waaniyo, gacan qabowna hallagu maamulo, laakiin dulqaadka iyo doqonniimadu waa walaalo, lamana kala saari karo, waxana ay ila tahay in dulqaadkii intuu qaranku dhaafay inuu doqonniimadii ku jiro oo maalin walba uu qarankii meyd soo wanaqsanayo oo ay noqotay ninkii waa ooma Ooyaan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay qabashada dambiilayaasha dhibka ku haya ciidamada qaranka, waxana uu yidhi, “Annaga xukuumad ahaan iyo madaxweyne ahaanba waxa naga go’an in dambiilihiina la qabto iyo ninkii gardarraa, gacantii gacan ka weynna aan la geysanin.”– 

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.