Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Safar Shaqo Ugu Baxay Dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo oo muddo kooban qaadan doona  ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Safarka madaxweynaha, ayaa salka ku haya marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay masuuliyiinta dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta oo diyaarad khaas ah usoo diray, taas oo madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo saaka ka qaadday madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof.  Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey safarka madaxweynaha iyo ujeeddada uu ku qotomo, waxana uu sheegay inuu socdaalkani yahay mid shaqo, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxan doonayaa inaan halkan ummadda Somaliland uga baahiyo inuu jiro socdaal uu madaxweynaha Somaliland ugu baxayo dalka Imaaraadka Carabta, waana socdaal gaaban oo maalin iyo laba aan dhaafsiisnayn oo uu madaxweynuhu shaqo ugu baxayo, waxana uu socdaalkaasi ku saabsan yahay xidhiidhadii iyo wax wada-qabsigii hore uga dhexeeyey labada dal, waxana raacaya xubno xukuumadda kamid ah.”

Socdaalka uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka, Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin).

Wa-bilaahi Tawfiiq— 

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.