Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Saaka Soo Kormeeray Dhaawacyada Ciidamada Qaranka Ee Ku Sugan Cusbitaalka Ciidanka Qaranka iyo Cusbitaalka Guud ee Burco

Burco – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa u kormeeray Cusbitaalka guud ee Burco iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaranka, isagoo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad, waxaanu u mahadnaqay dhammaan hawl-wadeenada bahda caafimaadka iyo dhakhaatiirtii u adeegaysay ciidamada dhaawaca ah, isagoo madaxwaynuhu ku dhiirigeliyey inay halkaa dedaalkooda ka sii wadaan kuna amaanan yihiin shaqada Qaranka.

Waxaanu madaxweynuhu mid mid u dul istaagay una gacan qaaday geesiyaashii ciidamada Qaranka ee ku soo dhaawacmay dagaaladii kala danbeeyey ee Laascaanood, waxaanu ugu duceeyay in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood, dawladduna u hurayso wax walba oo la xidhiidha daryeelkooda caafimaad, hal-yeyadii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadka naxariistii janno Alle ka waraabiiyo, isla-markaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu u duceeyey in Alle caafimaad sareecana siiyo dhammaan bukaanada guud ee xanuunada kala duwan u jiifa cusbitaalka guud ee Burco.

Ugu danbayna Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaalada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysa.

Wa-bilaahi Tawfiiq