Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulamo La Qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Gobolka Saaxil

Berbera – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera, ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay madax-dhaqameedka, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Saaxil.

Madaxweynaha iyo haldoorka bulshada reer Berbera ee uu la kulmay ayaa iska xogwaraystay xaaladda gobolka mashaariicda xukuumaddu ka hirgelisay iyo sidii loosii wadi lahaa horumarinta gobolka, islamarkaana bulshadu qayb uga noqon lahayd horumarkaas, loona wada shaqayn lahaa.

Bulshada gobolka, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqday dedaalka xukuumaddu gelisay sidii gobolka looga hirgelin lahaa mashaariic midho dhal ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Berbera uga mahadnaqay soo dhaweyntii aan kala hadhka lahayn ee ay u sameeyeen markii uu gobolka yimi, waxana uu halkaa kaga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay dhallinyarada reer Berbera madasha ku weydiiyeen.