Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Baaxadda Dabkii Xalay Ka Kacay Badhtamaha Suuqa Hargeysa, Kuna Dhawaaqay Lacago Ay Xukuumaddu U Qoondaysay Gurmadka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta soo kormeeray badhtamaha suuqa weyn ee WAAHEEN oo uu xalay ka kacay dab ballaadhan oo gebi ahaanba baabi’iyey, ganacsigii ka jiray goobtaasi.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, hoggaanka golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa, ayaa dhex lugeeyey dhismeyaashii kala duwanaa ee uu suuqu ka koobnaa oo isu dhalanrogay goobo uu qiiq iyo hadhaagii hantidii halkaas taallay buux dhaafiyeen.

Ugu horrayn waxa halkaas ka hadlay wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), kuwaas oo ku dheeraaday baaxadda masiibada dhacday, islamarkaana bulshadii masiibadu gaadhay tacsi u diray, iyaga oo ku baaqay in gacmaha la isu wada qabsado sidii gurmad guud loo samayn lahaa.

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge iyo Taliyaha ciidanka Dabdamiska, Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye guuto Maxamed Axmed Sawaaxili oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda masiibo qaran ku tilmaamay dabka qabsaday suuqa Waaheen, waxana ay hogo-tusaaleeyeen sida loogu baahan yahay in dib loo nidaamiyo suuqa dabku qabsaday oo ay caqabado badani ka qabsadeen kooxaha dab-damiska ee badbaadada u socday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shacabka kala hadlay goobaha uu dabku baabi’iyey, ayaa dadkii hantidoodu baaba’day Eebbe uga baryey inuu beddel khayr leh siiyo, isaga oo shacabka reer Hargeysa iyo ciidamada kala duwanna ugaga mahadnaqay sida hagar la’aanta ah ee ay u gurmadeen.

Madaxweynuhu waxa uu goobta ka shaaciyey inay xukuumaddu qaddar lacag ah oo dhan hal milyan oo Doollar u sii daysay guddida la magacaabay si loogaga hawl-galo masiibadaas, taas oo ay ku shaqayn doonaan guddi heer qaran ahi, “Maanta waxaynu gelaynaa gurmadkii, guddidaa la magacaabay ee Sheekhu hoggaaminayaa waxay gelaysaa gurmad aad ah, xukuumadduna waxay usoo daynaysaa $1,000’000 (Hal milyan) oo dollar, si ay ugu howlgasho,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu tilmaamay in shacabka reer Somaliland, oo isku duubani ay dhisanayaan caasimaddooda Hargeysa, kana kabanayaan dhibaatadii gaadhay, waxana uu yidhi,“Hargeysa waynu dhisanaynaa, iyada oo dhulka lala simay oo aan saqaf lahayn baynu dhisnay, taasna ka werweri maayo inaynu dhisayno markaynu isugu tagno.”

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka ugu baaqay inay u gurmadaan dadkii dabku sida gaarka ah u dhibaateeyey ee hantidoodii burburtay, isaga oo dawladda Hoose iyo wasaaradaha ku shaqada leh dhulka iyo Amnigana amray inay qorshe cad oo bacadlaha Waaheen iyo goobaha kale ee cidhiidhiga ah ee Suuqaba, waxana uu yidhi,“Waxaynu isku ognahay midnimo iyo inaynu u gurmanno walaalaheennaa qof waliba wuxuu tari karayo iyo in guddidaas aynu u dirnay hawshaas kasoo kabashadeeda aynu aqbalno. Dawladda Hoose iyo wasaaradaha Dhulka iyo arrimaha guduhu waxay faran yihiin inay qorshe u sameeyaan bacadlahaas iyo kuwa kale ee cidhiidhiga ahba.”