Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeer Ku Tegay Xarumaha Ciidamada Dab-damiska, Socdaalka iyo Qaar Kamida Xarumaha Laamaha Dawladda

Hargeysa-(WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Kormeer ku sameeyey qaar kamida Xarumaha Laamaha Dawladda oo ay ka mid yihiin Taliska Ciidanka Dam-demiska, Taliska Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Jamhuuriyadda Somalialnd, Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Iyo Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka, waxaana Madaxweynaha kormeerka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka.

Madaxweynaha ayaa ugu horaynba booqday Taliska guud ee Ciidanka Dam-demiska waxaana halkaasi uu Salaan kaga qaatay Kutub ka tirsan Ciidanka Dam-demiska, Taliyaha Ciidanka Dam-demiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey hannaankooda shaqo ee Ciidanku u hayaan Bulshada Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa iyo qaabka ay uga hawl galaan marka ay dhacdo khatarta Dabku.

Madaxweynaha oo halkaa ka hadlay ayaa Ciidanka Dam-demiska uga mahadceliyey hawsha baaxadda leh ee ay qaranka u hayaan waxaana uu yidhi Madaxweynuhu “Waxaan marka hore aad iyo aad ugu hambalyeynayaa Ciidanka Dam-demiska shaqada culus ee khatarta leh ee maalin dagaalka joogtada ah leh ee aad Dabka la dagaalamaysaan ee aad qaranka u haysaan, waan idiinku hambalyeynayaa, qarankuna waa idiin ogyahay wixii idinka dhimmana waa la gaadhi doona, waxaan si gaara ugu hambalyeynayaa oo ummadda oo dhami u ducaynaysaa Taliyaha oo isagu shaqadan bilaabay iyada oo aanu Dam-demisba jirin ayuu Idaacada ka bilaabay, markii danbena wuxuu ka bilaabay ciddla maantana wuxuu gaadhay gobolada oo dhan iyo magaalooyinka waa weyn”.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ciidanka Dam-demiska kula dardaarmay inay aqoontaasi ka dhaxlaan, loogana baahan yahay in la dhiso Dam-demis qaranka oo dhan anfaca “Runtii hawshaasi waa hal-abuurnimada qofka kama soo hadho horumarka iyo waxqabadku qofka hoggaamiyaha ah hal-abuurkiisa, ta kale nidaamka uu sameeyey iyo isgaadhsiinta hawl-gelinta waxaa ka muuqata aqoon, waa bilow hawshan dam-damisku iyo qaranka aynu dhisaynaaba, waxaad noqoteen dufcadii ugu horaysay ee lagu aasaasay Dam-demiska dhammaantiin, Axmed Labaatan sanno oo danbe sii shaqayn kari maayo raggii dhaxli lahaa baad tihiin, markaa waxaan idinka rajaynayaa inaad hal-abuurnimadaa qaadataan inaad waddani-nimada xejisaan inaad dhistaan Dam-damis dalka oo dhan anfici kara, aqoontiina inaad kordhisaan, dhibaatooyinka badan ee idinla deriska iyo duruufaha aad ku jirtaan waa u samraynaa, u malayn maayo ciidan ama waax shacbigu maanta uga duco badan yahay iyo dawladba oo laga jecelyahay inuu jiro wixii idinka maqani waa waxaan gaadhi waynay dedaalna waa laydiin kordhinayaa”.

Madaxweynuhu waxa uu Ciidanka Dam-demiska faray inay ballaadhiyaan hawsha ay hayaan si guul buuxda looga gaadho “Waxaan doonayaa inaan mar labaad ku celiyo inaad balaadhisaan hawsha aad qabataan dadka wacyi-gelisaan dhalinyaro wax bartaan idinku isku duubnaataan hormuud noqotaan waayo ciidamada kale oo dhami way soo dhisnaayeen oo waa la yaqaana, waxaan u mahadnaqayaa Waaxaha la shaqeeya Dam-demiska oo uu kow ka yahay Boolisku iyo taliyahoodu inay gacantaa wanaagsan iyo wadajirkaa ku shaqeeyaan, waxa kale oo aan u mahadnaqaynaa Dawladda hoose oo shaqadeedii si fiican uga soo baxday”.

Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale Kormeer ku tegay Taliska Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana halkaasi Madaxweynuhu salaan kaga qaatay qaar kamida Cutubtyada Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha, waxaana Madaxweynaha warbixin waafiya siiyey Taliyaha Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Sareeye Guuto Dayin Cismaan Caalin.

Waxa uu Madaxweynuhu Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Somaliland uga mahadnaqay siday ula socdaan cidda waddanka soo gelaysa iyo cidda ka baxaysa “Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa Ciidanka Socdaalka (Immigration) hawsha culus aad qaranka u haysaan waanu soo aragnay sidaad u shaqaysaan”.

Sidoo kale Madaxweynaha oo ku guda jira kormeerkiisa ayaa booqday Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka halkaasi oo ay kusoo dhaweysay Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo ka warbixisay hawlaha ay qaranka u hayso wasaaraddu.

Ugu danbayntiina waxa uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tegay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha hay’addaasi Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) oo warbixin ka siiyey shaqada hay’addu qaranka u hayso iyo sida ay u adeegaan Bulshada Somaliland kuwa Ajaanibta ah ee magan-gelyada ku jooga waddanka.

Wa-bilaahi Tawfiiq