Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka jawaabaya hadalo ka soo yeedhay maamulka Xamar

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta jawaab ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay maamulka Xamar.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka jawaabaya hadalo ka soo yeedhay maamulka Xamar ayaa yidhi “Waad la socotaan qoladaa markii hore aynu isku dawladda ahayn imikana isku magaca dhawnahay ee Xamar ka talisa dagaalada ay ku jiraan waxaad kala socotaan Media, Somaliland maalinta wax yar oo horumar gaadhaanba dagaalka u badan bay qaadaan, waxaan doonayaa inaan u sheego qolada Xamar, Chinuhu iyagoo wasiir ku xigeenkoodu socdo oo noo yimi baanu ku nidhi, oo haddana ku leenahay ciddina luqunta na qaban mayso oo waxa aanan doonayn noo tilmaami mayso, cidda aanu la xidhiidhayno, ciddina noo sheegi mayso, sidii waftigii wasiir khaarajigu u sheegeen Taiwan, maaha go’aan shakhsi, wasiir iyo guddi kasoo baxay, wuxuu kasoo baxay qof kasta oo Somaliland ah da’a kastuu yahay iyo meel walba uu joogo, tanna wixii ka dhacay iyo waxay u goosatay aabba-yaashiin iyo awoow-yaashiin waydiiya, Somaliland mid cid loogu hanjabo maaha Ilaahay bay aaminsan tahay Xoriyadeeday ilaashanaysaa halkaasay taagan tahay, ninkii hadlayna waa ina iska haddle”.