Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Hadlay Kor U Kaca Shidaalka

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay kor u kaca ku yimid qiimaha lagu iibiyo shidaalka oo ay bulshadu cabasho xoogaan ka muujisay .

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in qiimaha shidaalku uu kor u kacay suuqyada dunida sababo la xidhiidha weerar lagu qaaday ceelasha shidaalka ee dalka Sucuudiga iyo xanuunka Covid-19 oo dunida kusoo laba kacleeyey.

” Ilaa shalay waxaynu maqlaynay shidaalkii oo qaali garoobay waa run oo adduunkoo dhan ayuu ka qaali garoobay laba sababood awgood , 1. Waxaa la weeraray ceelashii shidaalka ee Sucuudiga oo Xuutiyiintu weerareen 2 , waxaa soo laba kacleeyay xanuunka COVID-19” ayuu yidhi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay iyada oo ay taasi jirto in haddan ay Xukuumadda iyo shirkaddaha shidaalku ay dib u eegi doonan qiimaha shidaalka madaama lagu jiro xilli adag oo uu xanuunka Covid-19 fara ba’an ku hayo bulshada taasi oo ay u dheertahay biyo yaraan ka jirta qaybo dalka ka mid ah