Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Digay In Ujeeddooyin Siyaasadeed Laga Dhex Raadiyo Shaqaaqada Ka Taagan Gobolka Sool

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si cad uga digay in siyaasad iyo ujeeddooyin kale oo gurracan looga faa’iidaysto colaadda ka dhex aloosan beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan ka jeediyey munaasibad lagu sagootinayey arday deeq waxbarasho ka heshay dalka Itoobiya, ayaa shaaca ka qaaday inaanay Somaliland marnaba u dulqaadan doonin cidkasta oo ujeeddooyin siyaasadeed uga faa’iidaysanaysa colaadda dhex taalla beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan gobolka Sool, Somaliland ahaanna ay hore tacab badan u geliyeen sidii dhibaatadaas loo dhammayn lahaa, haatanna ay soo dhaweynayaan cid kasta oo nabaddaas wax ka taraysa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maalmahan waxan maqlayey dad badan oo siyaasiyiin ah ama qurbe-joog ah oo arrintaas (shaqaaqada gobolka Sool) siyaasadaynaya, Somaliland horena tacab badan bay u gelisay oo laba sannadood buu ciidankeedu joogay, haddana xoog badan bay gelinaysaa, waxba kala hadhi mayso sidii colaaddaas loo dhammayn lahaa, ciddii nabaddaas wax ka taraysa ee madax-dhaqameed ah ee Islaax waddana way oggoshahay, ciddii caawimo bani’aadannimo dadkaas barakacay iyo kuwa dhaawaca ahna waannu oggolahay, laakiin ma oggolin cid siyaasadaysa oo ujeeddooyin kale maanta ka dhex aloosta gobolka Sool.”

Madaxweynuhu waxa uu markale bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanka Dhumay u diray baaq nabadeed, waxana uu sheegay in xukuumaddu ku hawllan sidii culimo, madax-dhaqameed iyo dawladba loogu gurman lahaa dadka dagaallamaya, “Waxannu mar labaad ugu baaqaynaa shacabka gobolka Sool in colaadda la joojiyo oo caqligu shaqeeyo, Somaliland-na hore gurmad way u gashay, haddana way gelaysaa, waxana aannu ku dedaali doonnaa  wixii culimo, aqoonyahan, madax-dhaqameed ahiba inuu u gurmado gobolkaas Sool, si nabad looga dhaliyo, dadka halkaas joogana waxannu ugu baaqaynaa inuu Ilaahay colaadda ka jabiyo, khilaafkana ka saaro oo uu nabadgelyo kusoo dabbaalo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.