Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo furey munaasibad lagu Hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland, Kuna Dhawaaqay Lacag Ka Dhinayd Sanduuqa

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta furey munaasibad lagu Hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland oo lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda.

Waxana kulankaasi kasoo qaybgalay shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland, daneeyayaasha arrimaha dhalinyarada, xildhibaano, Maayarada magaalooyinka, masuuliyiin ka tirsan xukuumada, dhalinyaro ka kala timi gobolada dalka, qaybaha bulshada iyo marti Sharaf kale.

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadlay agaasimaha sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland khadar Ibraahim oo sharaxay maraaxilkii kala duwanaa ee sanduuqani soo maray. Intaa kadib waxa hadalka iskaga kala dambeeyay wasiirada maaliyada ,ciyaaraha ,madax ka kala socotay ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland ee ay wada shaqaynta leeyihiin sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Maayarka Caasimada Mudane Cabdikariim Axmed Mooge oo ku hadlayey Afka Maayarada Dalka, Gudoomiyaha Sonyo, Mudane Bedri Xasan Muxumed, agaasimaha Fulinta Nagaad, marwo Nafiisa Yuusuf, Mr, Simon Strachan oo ku hadlayey Afka Un-ka, oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimada iyo faa’iidada uu sanduuqaasi u leeyahay dhalinyarada iyo qaranka Somalilandba.

Ugu danbayna waxa madasha soo xidhay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku dhiirigeliyey dhammaan cid kasta oo gacan ka geysan karta arrinta sanduuqa inay qayb weyn ka qaataan sidii looga midho dhalin lahaa ujeedada sanduuqa laga leeyahay, waxaanu madaxweynuhu goobta kaga dhawaaqay $300,000 oo ahayd lacagtii ka dhinayd dhaqaajinta sanduuqa, si loo dhamaystiro 1M oo doolar oo aas-aas u ahayd in lagu dhaqaajiyo sanduuqaasi.

Wa-bilaahi Tawfiiq