Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ku Leedahay Dalka Itoobiya

Addis Ababa – (wardoor) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ku guda jira safarka shaqo ee ay ku joogaan dalka Itoobiya, ayaa maanta booqasho ย ku tegay safaaradda Somaliland ku leedahay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa waxa safaaradda kusoo dhaweeyey safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, Ambassador Axmed Xasan Cigaal, ku xigeenkiisa iyo shaqaale weynaha ka hawlgala safaaradda Somaliland ee dalka Itoobiya, safiirka Somaliland ayaa madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan qaabka ay safaaraddu u shaqayso, qorsheyaasha u qabsoomay iyo horumarka ay ka sameeyeen xoojinta xidhiidhka labada dal.

Madaxweynuhu waxa uu safiirka iyo guud ahaanba shaqaale weynaha safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya ku bogaadiyey sida hagar laโ€™aanta ah ee ay qarankooda ugu shaqaynayaan, waxana uu ku boorriyey inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda.–ย 

Naasir Yuusuf DaahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap