Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Jabuuti

Jabuuti – (WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo saaka safar shaqo kaga ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa gaadhay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxana madaarka magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyey Raโ€™isal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn soo dhaweyn maamuuskeedu sarreeyo kala kulmay Raโ€™isal wasaaraha, kaas oo ku qaabilay Madaarka Diyaaradaha, waxaana loo gelbiyey qolka madaxda ee (VIP)da oo ay qaddar nasasho ah ku qaateen.

Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinaya xubno kamid ah golaha wasiirrada oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi, gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid oo isagu ku sii sugnaa dalkaasi, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap