Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Gaadhay Jiidda Hore Ee Ciidamada Qaranka Somaliland

Laascaanood – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku joogay gobollada Bariga ee dalka, ayaa maanta gaadhay jiidda hore ee ciidamada qaranku kaga sugan yihiin bariga gobolka Sool, waxana uu soo kormeeray qaar kamid ah fadhiisimada ciidamada ee Aaggaas ku sugan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxa halkaas kusoo dhaweeyey saraakiikiisha iyo taliska kala duwan ee ciidamada qaran oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada qaranka, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutub katirsan ciidamada qaranka ee jiidda hore ku sugan, isaga oo halkaas warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee ciidanka iyo sida ay nabadda iyo qarannimada u ilaalinayaan ka dhegaystay taliyaha ciidanka qaranka sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad salka ku haysa kaalinta ay ciidanku kaga jiraan jiritaanka qaranka u jeediyey ciidamada qaranka ee jiidda hore, ayaa ugu horrayn ku hambalyeeyey sida naf-hurka leh ee ay ilaalinta dalkooda iyo dadkoodaba ugu hagar baxeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay yihiin geesiyaal quluubta shacabkooda ku weyn.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ciidamada qaranka ku tilmaamay kuwa Aas-aaska u ah nolol kasta oo cidi samaysato, macnena u sameeya horumar walba oo la gaadho, deyrna u ah dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu yidhi,โ€œDalku waa nabad idinka iyo ciidamada kale ayaana nabad ka dhigay, ummadduna way idiinku mahadnaqaysaa, dhibataas qabtaan ayuu dadku dheefsanayaa, haddii daaro dhaadheer oo qurux badan la dhistay, haddii shirkado la sameeyey iyo haddii jaamacado la abuurayba ogaada cidda deyrka u ahi waa idinka, anna waan idiin ogsoonahay.โ€

Bulshada ku dhaqan deegaannada Gambadha iyo Tukaraq ee bariga gobolka Sool, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa si weyn usoo dhaweeyey, waxana iyaga oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland lulaya ay madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweeyeen jidka weyn ee magaalooyinkaas dhex mara.