Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey Magaalada Oodweyne iyo Deegaanno Hoos yimaadda

Oodweyne-(WARSOOR)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga gobolka Daad-madheedh, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne iyo deegaanno kale oo hoos yimaadda.

Kumannaan ka mid shacabka ku dhaqan magaalada Oodweyne oo ay hoggaaminayaan maamulka gobolka, midka degmada, cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay dhinaca Bari ee magaalada Oodweyne, iyaga oo socod lug ahna kusoo mariyey shaaracyada kala duwan ee magaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa shacabka reer Oodweyne kala hadlay goob fagaare ah, waxana ay uga mahadnaqeen sida gobonnimada leh ee ay usoo dhaweeyeen.

Ugu horrayn, salaadiin iyo madax-dhaqameedka deegaanka, maamulka gobolka oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha qaranka ugaga mahadnaqay imaanshiyihiisa Oodweyne, waxana sharraxeen waxqabadka ballaadhan ee xukuumaddu ka hirgelisay guud ahaanba gobolka Daad-madheedh.

Wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta qaranka, xannaannada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Dr. Axmed Aadan Buuxane iyo Mudane Siciid Sulub Maxamed oo madasha ka hadlay, ayaa bulshada reer Oodweyne ugaga mahadnaqay sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha qaranka iyo weftigiisa, waxana ay tilmaameen in xukuumaddu si weyn ugu hagarbaxday horumarinta iyo waxqabashada gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka reer Oodweyne, ayaa ugu horrayn ugaga mahadnaqay sida heerka sare ah ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxana uu hoosta ka xarriiqay in soo dhaweynta iyo gobonnimaduba astaan u yihiin reer Oodweyne.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyaa mar kastaba diyaar u tahay in dalka laga qabto doorashooyinka qorshaysan.

Deegaannada Ceel-xume iyo Bilcille, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku jooga gobolka Daad-madheedh.