Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar Shaqo ugu ambobaxay Waddanka Djibouti

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar shaqo ugu ambobaxay dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Safarka shaqo ee madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa muddo maalmo ah qaadan doona, waxana wehelinaya wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha gudaha, Warfaafinta iyo Ganacsiga.

ALLAA MAHAD LEH
Warbaahinta Madaxtooyada JSL.