Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Eedo Ka Difaacay Guddidii Ganacsatada Ahayd Ee Isxilqaantay

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay soo jeedimihii iyo talooyinkii ay khilaafka siyaasadeed ee taagan kasoo jeediyey xubnihii ganacsatada ahaa ee is-xilqaamay, waxana uu ka difaacay eedaymo maalmihii ugu dambeeyey si gaar ah loogu jeedinayey xubnaha ganacsatada ah.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlay munaasibadda qalinjebinta jaamacadda Hargeysa, ayaa ugu horrayn meesha ka saaray eedaha loo jeedinayo ganacsatada is xilqaantay, waxana uu ugu baaqay inay adkaysi u yeeshaan eedahaas aanay galabsan ee dusha laga saarayo, waxaana ka mida ahaa hadalkii madaxweynaha “Qolada tujaarta ah waxan leeyahay annaga taas baa maalin walba na haysatee haddii maanta oo qudha la idin wadhfiyey adkaysta oo diir yeesha, waxa kale oo aan aad ugu faraxsanahay in odayaashii baayacmushtarkii ku wareejiyeen dhallinyaradii, inta la maagayo ee shirka taagnayd ee loo abtirinayo ee la leeyahay waxaasay u jeedeen iyo xisbigaasay ahaayeen intaba waan ka weynahay oo waa dhallinyaro,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka digay in xubnaha ganacsatada ah oo in badan dalka kala soo dabbaashay duruufo adag wax aan xaq loogu lahayn lagu xagxagto oo lagu eedeeyo, waxana uu yidhi,“Waxaynu is weydiinaynaa Somaliland-neey haddii uu qofku toban goor dhaamiyo oo uu wax taro oo Toban kaalmood oo adag ka soo baxo oo aad adigu maalin qoonsato, maalintaa miyaan waxba loo reebayn oo wixiisii hore la eegaynba, tujaartaas ninkii maagayow waxan ku leeyahay dalkan soddonkaa sanno way soo wadeen, weynu xagxaganaa oo weynu maagnaa laakiin dalka dhaqaalihiisa iyagaa wada, horumarkana qaybta ugu weyn bay ka qaataan.”

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay kulankii uu gaarka ula qaatay xubnaha ganacsatada ah, waxana uu sheegay inay si gaar ah u canaanteen, balse sida ay iyaguba afkooda ka sheegeen uu waayey meel uu ka dhaafo sharciga dalka ee loo dhaariyey,“Tujaartu aniga way ii yimaaddeen intii ay igala hadleen bay dadka u sheegeen, weliba canaan bay aniga Ii dheeraysiiyeen, garbay qaadeen waxana ay yidhaahdeen sharci bay arrintii tagtay, sharcigana waa inaynu ilaalinaa, xeer jajabna ma geli karno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.Wa-bilaahi Tawfiiq