Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkiisa oo 35% Mushaharkooda u Jaraya Difaaca Qaranka

Hargeysa – (warsoor) -Madaxweynaha qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku-xigeenka qaranka mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii Saylici, ayaa mushaharkooda boqolkiiba shan iyo soddon u jaray difaaca qaranka Somaliland.

Sidoo kale, waxa iyaguna boqolbiiba toban u jaray mushaharka ay qaranka ka qaataan difaaca dalka xubnaha golaha wasiiradda ee xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Qabsoomay maalintii Khamiistii ayaa lagu go’aamiyey in Mashaariicda Horumarineed ee ku jira Miisaaniyadda Qaranka boqolkiiba Shan looga jaro Difaaca Qaranka, inta lagu jiro bilaha July illaa December, 2018.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada ee xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay Khamiistii dorraad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa boqolkiiba labaatan ka mid ah Mushaharkiisa u jaraya difaaca Qaranka, halka Madaxweyne ku-xigeenkuna qaranka mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii Saylic uu Mushaharkiisa boqolkiiba 15 u jaraya Difaaca Qaranka.

“Golaha wasiirradu waxa uu go’aamiyey in mashaariicda horumarineed ee miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2018-ka bilaha july ilaa iyo December laga jaro 5%(Boqolkiiba shan) lagu kabayo xaaladda difaaca qaranka, isla-markaana mushaharka Madaxweynaha laga gooyo 20%(boqolkiiba labaatan), halka mushaharka madaxweyne-ku-xigeenkana laga jari doono 15% (Boqolkiiba shan iyo toban), iyada oo xubnaha golaha wasiirradana laga jari doono 10%(Boqolkiiba toban).” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka.

Warka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa waxa lagu sheegay in Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada Hambalyo iyo bogaadin loogu diray Geesiyaasha ciidanka qaranka ee sugidda xuduudaha iyo difaaca qaranka u dabran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.