Madaxweynaha Iraan oo u hanjabay Israel

IRAN – (WARSOOR) – Madaxweynaha dalka iraan ayaa ku hanjabay inuu talaabo qaadi doono hadii Israel isku daydo ficilo ka dhan ah tehraan Isagoo ka hadlayay dhoolatus milateri oo lagu xusayay maalinta ciidamada qaranka Iraan ayuu sheegay in haddii ammaanka Iraan uu halis galo cadowga soo jireenka ah ee Israa’iil, ay ciidamadeeda qalabka sida si adag uga aargoosan doonaan.

Intii ay socotay xaflada ayaa ciidamada Iraan waxa ay dhoolatuska ku soo bandhigeen dhoolatuska ka dhacay duleedka magaalada Tehran ee caasimada dalka Iraan hub noocyadiisa kala duwan,diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa difaaca.

Todobaadki hore Raisi ayaa u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Ciraaq Fu’aad Xuseen oo booqasho ku jooga Iraan in Iraan ay “si dhow ula socoto” ficillada Israel, isla markaana aysan u ogolaan doonin inay “khatar geliyaan amniga gobolka iyaga oo sii maraya waddan kasta”.

Israa’iil ayaa lagu eedeeyay weeraro isdaba joog ah oo lagu qaaday xarumaha muhiimka ah ee Nukliyeerka Iraan iyo dilkii tiro badan oo ka mid ah saynis yahano u dhashay Iraan.