Madaxweynaha Dawladda Degaanka Somalida Ethiopia Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Gobolka Gebiley

GABILEY – (WARSOOR) – eftigii uu hogaaminaayo madaxweynaha dawlad degaanka Somalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cagjar oo dib ugu guryo noqday caasimadda dawlad degaanka Somalida Ethiopia ee Jig Jiga ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey gaadhey magaaladda Gebiley ee xarunta gobolka Gebiley.

Weftigan oo qayb ka ahaa wufuudii kala duwanayd ee ka qayb gashay xadhig ka jarkii wejigii kowaad ee mashruuca dhismaha dekeda magaaladda Berbera oo maanta ka ambabaxay magaaladda Hargeysa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaaladda Gebiley ee xarunta gobolka Gebiley.

weftiga madaxweynaha waxa sii gelbiyey xubno wasiiro iyo agaasimeyaal guud ah oo ka socday dawladda Somaliland oo ay kamid ahaayeen wasiiradda wasaaraddaha Warfaafinta,Horumarinta biyaha,Maalgashiga,Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda,Horumarinta Caafimaadka,wasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta maaliyadda,Agaasimaha Guud ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Waxa madaxweynaha dawlad degaanka Somalida Ethiopia safarkiisan ku wehelinaayey xubno wasiiro ah oo ka socday dawlad degaanka Somalida Ethiopia,waxaanay soo dhoweyn balaadhan ku qaabilay weftigan dadweynaha ku nool degmada Gebiley,iyada oo  hadhimo sharafeed loogu sameeyey guriga martida ee magaaladda Gebiley.

Weftiga ayaa sidoo kale u gudbay magaaladda Wajaale oo ay uga sii gudbeen dalka Ethiopia,iyaga oo soo dhoweyn balaadhan kala kulmay dadweynaha degmada Togwajaale.