Madaxweynaha dalka Turkiga Oo La Kala Xaajoon Doono Mulkiilaha Cusub ee Twitter Lacagta uu ku Soo Rogey Calaamada Buluuga ah

TURKIGA – (WARSOOR) – Madaxweynaha dalka Turkiga Rejeb Dayyib Erdugan ayaa sheegay in kuu han weyn yahay sidii uu maamuulaha cusub ee barta Twitter ka ugala xaanjoon lahaa ka baaqsashada lacagta uu ku soo rogay dadka haysta calaamadda buluugga ah.

Madaxweynaha oo waraysi siinaayey Warbaahinta ATV ayaa sheegay in uu hab Dublumaasiyaadeed ku geli doono xal u helida lacagaha laga qaliyey.

Isaguna aqalka cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden uu ka fikirayo bixinta kharashaadka uu soo dallacay Elon Musk.

Walaacan gaadhey tan iyo madaxda ugu sarraysa Caalamka ayaa yimi ka dib markii uu mulkiilaha cusub ee Twitter ku dhawaaqay in bil walba 8 Dollar laga qaadi doono dadka Calaamadda buluugga ah haysta ee adeegsada barta Twitter ka.