Madaxtooyadda Somaliland oo Sharaxaad Ka Bixisay Isbadaladii ay Ka Hirgelisay Gobolka Sool

Laascaanood – (warsoor) –  Wasiirka Wasaarada madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay isbadelada Xukuumadda Somaliland ka hirgalisay gobolka Sool, iyo sida nabadda gobolkaasi  ay xasiliyeen.
Mudane Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa wefti balaadhan oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed SIilaanyo oo gaadhay magaalada Laascaanood, isla markaana xalay kulan ka qaatay waayeelka iyo waxgaradka ee Sool.
Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay kulankaasi oo ka dhacay Madaxtooyada Laascaanood ayaa yidhi “ Ilaahay ayaa mahad leh caawa isu keen-keenay ujeedada socdaalka Madaxweynaha waa la taabtay, waxa ugu weynaa mashaariicda maanta Madaxweynuhu uu furay iyo u kuur-galida hawlaha qaranka, gobolka Sool waxa run ah inuu yahay gobol xaga horumarka dib u dhac ka jiray, waxana sabab u ahaa colaadihii iyo dagaaladii gobolka ka jiray iyo amni darro,  waxa kale oo sabab u ahaa dawladda iyo dadweynaha oo kalsooni iyo aamin aanu dhexdooda oolin ama xidhiihdkooda oo aan wanaagsayeyn.
Wasiir Xaashi ayaa ka hadlay isbadalada ka dhacay Sool waxaanu yidhi “ Maddadii todobada sanno ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE, tallada hayeen wax badan ayaa iska bedelay, waxa xaqiiq ah in hadii aan wax iska bedelin aanu caawa Madaxweyne Siilanayo halkan Laascaanood fadhiyeen, halkana kumaynaan cawayneen, waxa dhaba in gobolkan wax weyni iska bedelay, guusha iyo galada waa la wadaagaa, hadii guul darro caawa Sool taalo waji aynu isku hor fadhinaa ma yaaleen,  farxadaa, kaftankaa iyo rayn-rayntaa dhexdeena taalaa ma jirteen, Ilaahay ayaa ku mahad-san (SWT) caawa nabad ayey ku fadhinaa, inaga oo aan baqayn inaga oo aan werwerayn, magaalada koonaheedii ayeynu joognaa waana habeen.”
“ Waxa jirtay wakhti iyadoo dharaar ah aan laysku iman jirin magaalada Laascaanood, oo hadh-cad ah oo aan lays aamini jirin, wax aan xasuusanahay Madaxweynaha oo halkan imid oo toban oday u yeedhay oo ay is qarinayaan, odayaashaasi inta hotel Xamdi la keeno ayey warbaahintana iska qarin jireen, waxa halkan maanta markaanu magaalada maraynay noo soo baxday in dadku ay xisbiyada kala taageersan yihiin, kuwo KULMIYE taageersan, kuwo WADDANI taageersan iyo qaar UCID taageersan, in bulshadu ay xisbiyada kala raacdaa waa isbadel weyn. waxa magaalada qaybo badan oo kale ka muuqda, is bedel iyo dhismayaal, Nabadda, horumarka, iyo wanaaga dawladdnimada ayaa waxaas leh, waxa jirtay magaaladan oo laga yaaco oo la yidihaa ha ku soo noqon, oo qurbajooga la yidhaa Garoowe tag, ama god-aalo tag ama kala-baydh tag, shalay ayey ahayd.”
Mudane Xaashi ayaa intaasi ku daray“ Waxaas aynnu ka soo doognay galadeeda ILAAHAY ayaa leh, marka labaadka waxa leh siyaasad qoto-dheer Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Siilanayo odayga u yahay oo shacbiga gobolka, odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka gobolku ay nalagula shaqeeyeen, bulshada in ayaa colaada waday, kuwana nabadda ayey wadeen, dagaal adag oo qadhaadh ayuu ahaa, waxa maanta guulaystay shacbiga, waxa guulaystay inteenii nabadda waday, inteenii wanaaga waday, inteenii dib u heshiisiinta waday, ciidamada Qaranku garab ayey noo ahaayeen, waxaanu boggaadinayaa oo u mahad-naqaynaa waayeelka, waxgaradka iyo cuqaashii nagala shaqeeyey nabadda, dib u heshiisiinta, ee shirarka badan ayaanu ku wada dib jirnay, tuulo-tuulo aanu dalka u maranay, waxa dhacday in riyadaasi ay xaqiiqo noqoto.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.