Madaxtooyadda, Shirkaddaha Telesom iyo Dahabshiil Group Oo Heshiis Gaadhay

Hargeysa – (warsoor) – Xukuumadda Somaliland iyo Shirkaddaaha Telesom iyo Dahabshil ayaa heshiis ka gaadhay go’aankii ay xukuumaddu soo saartay Arabacaddii. Heshiiska ayaan la isla qaatay in aanay suurto-gal ahayn in 48 saacadood lagu dhaqan-galiyo.

Kulankan saddex geesoodka ah oo soo bilaamay maanta galinkii dambe soona gabo-goobay ku dhawaad 10-kii habeenomo ee caawa ayaa laga soo saartay heshiis is afgarad oo lagu garwaaqsaday in loo hogaansamo go’aankii xukuumadda balse wakhti la siiyo Hogaanka, waxaana la isla qaatay in guddi farsamo la magacaabo.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ayaa sheegay in xukuumaddu aanay joojin adeegga ZAAD, balse ay sheegtay in la joojiyo lacag dirista iyo lacag ku shubashadda wixii ka yar $100. Wixii boqol dollar ka yarna ZAAD-ka lagu isticmaalo Somaliland Shillings.

Wasiirku wuxuu hoosta ka xarriiqay inaan la xidhin adeegyada ZAAD iyo E-Dahab “Go’aannada soo baxay waxaa ka mid ahaa in shirkadduhu adeegooda ka saaraan wixii boqol doolar ka yar ama laba lambar(Two digit) oo la joojiyo wax ku iibsigooda iyo isu diristooda laakiin, adeegga ZAAD iyo E-Dahab dawladdu ma xidhin, waanu caddaynaynaa arrintaas oo far waaweyn baanu ku dhigaynaa, shirkaddaha adeegyada leh ee Telesom iyo Dahabshiil waa shirkadihii dalka ugu waaweynaa masuuliyad baana xukumad ahaan naga saaran inaanu ilaalino kobacooda iyagana masuuliyad baa ka saaran inay ilaaliyaan maslaxadda guud ee Qarankooda. Adeegyada Zaad iyo E-Dahab lama xidhin, wixii boqol doolar ka weyn sidii buu u shaqaynayaa oo wax loogu iibsan karaa waxna loogu kaydsan karaa laakiin, wixii ka yar boqol doolar in nidaamka laga saaro weeye, waxaana halkoodii galaya shilinka Somaliland  in baska lagu raaco, hudheelka wax lagaga cuno, shaaha lagu cabbo, kabaha lagu baalashaysto, nuxurka ugu weyni waxay ahayd in lacagta Somaliland hesho fakaag ay ku socoto,” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Wasirka Madaxtooyada ayaa sheegay in shirkadda Telesom ka cabatay fulinta go’aanka “Madaxda Telesom waxay ka cawdeen in siistamka wakhti dheer lagu sameeyay, loona baahan yahay in wakhti dheer lagaga saaro. Waxay noo soo gudbiyeen in xilli abaara lagu jiro oo dad badan oo muwaadiniin ahi Zaadka lacag ku haystaan, qaar goobaha miyiga ah aanay joogin meel ay kala baxaan, qaarkood xuduudaha ka tallaabeen, waxay noo soo gudbiyeen in arrintaasi farsamo ahaan adag tahay,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay in la isku raacay laba qodob “Waxaanu isku raacnay laba qodob; kow in go’aammadii xukumadda la fuliyo shirkadda Telesom-na ogolaatay in go’aankaas la fuliyo, laba waxaanu gar-waaqsanay cabatinka Telesom in farsamo ahaan ay 48 saacdood ku yar yihiin inay nidaamka kaga saaran, waxaanu isla qaadanay inaanu samayno guddi farsamo oo khuburo madax bannaan ah oo xukumad ahaan nagala talis xilliga ugu suurto galsan ee nidaamka shirkadda lagaga saari karo wixii ka yar boqol doollar, shirkadda Telesom-na ay noo soo gudbinayso qorshe muujinaya xilliga ay ka saari karto.

Gudoomiyaha shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid oo ka hadlay go’aamadii ay isla qaateen xukuumadda Somaliland ayaa yidhi, “Waxaanu isla qaadanay in shirkad ahaan aanu soo dhawaynayno, oo aanu u hogaansan nahay, go’aankaa uu madaxweynuhu gudoomiyey, golaha wasiiradduna ay soo saareen. Arintu arin farsamo ayey u baahatay. Waxaa kale oo aanu isla qaadanay in muddo farsamo ahaan la isla eego”.

Gudoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin, “Waxaan halkan macmiishayadda uga sheegayaa oo aan uga gudbinayaa in adeeggii (ZAAD) wax isbadali aanu jirin. Waxaa kale oo aan u sheegayaa Insha Allaahu, farsamo ahaan arintaa aanu ka shaqayn doono, iyadoo guddidaasi farsamo ahaan ay xukuumaddu soo magacaabayso aanu wadda shaqayn dhow la yeelan doono”.

HALKAN KA DAAWO SHIRKII JARAA’ID EE WASIIRKA MADAXTOOYADDA:

HADALKII GUDOOMIYAHA SHIRKADDA TELESOM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.