Madaxtooyada Somaliland Oo Ay Caawa Lagu Qabtay Munaasibada Sanad Guurada 27aad ee 18 May

Hargeysa – (warsoor) – Munaasibad ballaadhan oo casho-sharafeed iyo Afur is barkan ah oo loogu dabbaal-deggayo sannad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshadii xorriyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland.

Munaasibadda cashada iyo Afurka isugu jirta, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha maxkamadda sare, mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, madaxweynihii saddexaad ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii Somaliland hore usoo maray oo ay kamid yihiin, Mudane Xasan Ciise Jaamac, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Ambassadorka Ethiopia u qaabilsan dalka Somaliland Brigadier Gen Berhe Tesfaye, madaxda axsaabta qaranka, xubno kamid  ah golaha wasiirrada, salaadiin, boqorro iyo diblomaasiyiin ka socda dalalka deriska iyo waddamada kale ee caalamkaba, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo kooban oo ku qotoma muhiimadda maalinta dib-ula soo noqoshada xorriyadda  Somaliland oo ku beegan 18-kii May sanadkii 1991-kii.

Siyaasi Cali Khaliif oo kamid ah haldoorka reer Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey sanad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada xorriyaddeeda, isaga oo intaas ku daray inuu guul iyo midho-dhal ka rajaynayo wada-hadalladii uu hore ula galay Jamhuuriyadda Somaliland oo meel wanaagsan imika maraya, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaanu nahay dad reer Somaliland ah oo kamid ah oo waxa ay mudan tahay dib-u-dhisidda Somaliland annaga oo miyir qabna oo wixii aanu kala door dooranaynay aanu aad uga baaraan degnay ayaan u aragnay inaanay Tan (Somaliland) mid noo dhaantaa jirin, waxaana aan rajaynayaa inaanu hawlan soo afnarno.”

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ugu horrayn baaq nabadeed iyo dardaaran waayeelnimo u diray dadka walaalaha ah ee isku maan-dhaafsan deegaanka Ceel-afweyn, waxaana uu yidhi, “ Halkan waxan kaga faa’iidaysan lahaa shaqaaqada Ceel-afweyn ka socota, dadkaa walaalaha ah ee is laynaya waxaan leeyahay, waxa Allah waxad isku dilaysaan waa micno darro’e dagaalkaas joojiya oo Ilaahiina u noqda oo nabad dadkiina ka dhiga,  waxaan idin leeyahay dad  sokeeye ah baad tihiin oo meel wada deggen, meel aad u qaxdaana ma jirto markaa walaalayaal waxaan idin leeyahay dagaalkaas joogiya.”

Mudane Daahir Rayaale, waxa ku dardaarmay in madaxweynaha waqtigan la garab galo, isla markaana horumarka qaranku ku jiro midnimada iyo wada-jirka umadda, “Waxa ugu weyn ee ay Somaliland  ku hirgalayso ee ay wax ku noqonaysaa waa midnimada iyo wada-jirka umadda Somaliland wada leh ee u wada dhalatay, , annaguna horaan uga soo shaqaynay, madaxweynaha cusubna inuu taas ku shaqaynayo ayaan filayaa, taas sidaynu uga midho dhalin lahayn ayey ku xidhan tahay qaddiyaddeena iibkeedu  ee aynu ku wada shaqayno oo ciddii marba xilka haysa aynu kala  shaqeyno,” ayuu yidhi madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isaguna shacabka ku hambalyeeyey munaasibadda 27-aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada xorriyadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay midnimidooda muhiimad gaar ah siiyaan, isaga oo si gaar ah uga digay sii socoshada colaadda ka aloosan deegaanka Ceel-afweyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka jeediyey hadal dhinacyo badan taabanaya, ayaa ugu horrayn shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey munaasibadda 27-aad ee kasoo wareegtay xorriyaddooda, isaga oo si gaar ah u bogaadiyey ciidamada qaranka ee ku hawllan difaaca qaranka, waxaana uu yidhi, “Shacbiga Somaliland meel uu joogaba waxaan leeyahay, hambalyo sanad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay maalintii lala soo noqday xorriyaddii Somaliland. waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ee naftood hurayaasha ah ee dalka difaaca, cadow kasta oo kusoo hunguroodana cashar u dhiga ee maalintii ugu dambaysay dalka dhiiggooda u huray, umadda Somaliland way idiin ogtahay, taariikhdana baal dahab baad ugu qoran tihiin.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu ka hadlay xaaladda deegaanka Ceel-afweyn, waxaana uu shaaciyey inay xukuumad ahaan gacan bir ah u qaban doonaan cid kasta oo isku dayda fadqalalada nabadda iyo ammaanka, “Waxaan intaas raacinayaa in laga wada qaybqaato sidii loo joojin lahaa dagaalka Ceel-afweyn, dadka dagaallamaayaana wax Allah iyo wax ay ku dagaallamayaanna la garan waa, shaydaan baana ka dhex booday, xukuumad ahaanna waxaanu fulinaynaa wax kasta oo ay ku kacayso in nabadda lasoo celiyo,  nin kasta oo nabadda ka hor yimaadda waanu la dagaallamaynaa, marka hore waanu u digaynaa, waanu qabanaynaa waanu xidhaynaa, hadduu dagaallomana waanu la dagaallamaynaa oo nabadda waanu ku dagaallamaynaa, ninowna qorigaaga ciidanka haku soo jeedin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu carrabka ku ballaadhiyey inay Jamhuuriyadda Somaliand nabad iyo deggenaansho taam ah kusoo caano maashay, isaga farriin garnaqsi ahna u diray maamulka Muqdisho, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku aasaasantay nabad iyo inay dalkeeda horumar, barwaaqo iyo nabad ka samayso oo jaarkeedana nabad kula noolaato, Somaliland ka ugu yar iyo ka ugu weyn caqligoodu waxa uu ku dhisan yahay nabad iyo wax qabsasho, xadka Somaliland annagu ma aanu samayne waa ka ay Afrika oo dhammi ku dhisan tahay ee ku kala socoto, annaguna waxa aanu rabnaa inaanu xadkayagii nabad ku tagno, dalkayagana nabad ku maamulno, dawladda Soomaaliya ee diiddan xadkii Afrika isticmaarku u qaybiyey waxa ay u baahan tahay inaanay annaga kolba nasoo weerarine inay Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo midowga Afrika u sheegto inay diideen xeerkii Afrika dhigatay 1963-kii ee ay imika ku shaqayso.”

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sugayaan xuduudaha dalka, isla markaana ay dalka difaacayaan oo aanay cidnaba duullaan ku ahayn, “Ciidamadayadu halkooday joogayaan, difaaca qarankay ilaalinayaan, dandaansina samayn maayaan, wixii kusoo duulona way iska celinayaane taas halla ogaado,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.