Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Ka Fal-celiyey Heshiiska Muranka Dhaliyay ee Shidaalka

Muqdisho – (WARSOOR) – War lagu baahiyey barta Twitter-ka ee wasiirka Batroolka Soomaaliya Injineer Cabdirashiid Maxamed Ahmed ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay heshiis kula gashay shirkado toddoba ka mid ah xidhmooyinka shidaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay in heshiiskaasi uu la ogyahay madaxweynaha Dowlada Federalka, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Balse daqiiqado kaddib waxaa wareegto ku beeniyey ogaanshiyaha heshiiskaasi, sharci darana ku tilmaamey xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’isul Wasaaraha.