Madaxda Mac-had Caalami ah oo Ka Shaqeeya Horumarinta Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda oo Dalka Jarmalka Si Weyn ugu Qaabilay Weftigii uu Hoggaaminayey Murashaxa Madaxweynaha WADDANI

Hargeysa – (warsoor) – Mac-hadka caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta siyaasadda iyo dimuqraadiyadda ee dalka Jarmalka oo magaciisa la yidhaahdo Friedrich Ebert Stiftung isla mar ahaantaana si weyn loogga tix-geliyo qaaradda Yurub, ayaa kulan aad u heer-sareeya ku qaabilay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminaayey ee muddooyinkii dambe socdaalka ku joogay qaaradda Yurub oo hada ku sugan dalka Jarmalka.

Madaxda mac-hadka Friedrich Ebert Stiftung oo weftiga guddoomiye Cirro ku qaabilay hab-maamuus aad u sareeya, ayaa waxa kulankaas ku wehelinaayey hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, la taliyaha arrimaha dibadda Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Marwo Faadumo Siciid, Marwada Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble iyo weli ba sida oo kale madaxda ka tirsan laamaha Xisbiga WADDANI ee dalka Jarmalka.

Kulankan oo socday muddo saacado ah isla mar ahaantaana ay warbaahintu dibad-joog ka ahayd, ayaa ay kaga hadleen xaaladda Somaliland, Doorashooyinka iyo weli ba abaaraha hada ka taaganย gudaha Somaliland iyada oo halkaas uu guddoomiye Cirro ka jeediyey khudbad aad u dheer oo uu kaga hadlaayey arrimaha Doorashooyinka, qadiyadda Somaliland, xaaladda dalku maraayo iyo weli ba abaaraha ka jira dalka, ayaa waxa uu iftiimiyey in ay Somaliland diyaar u tahay in ay gasho doorashooyin iyada oo sida oo kale na uu tilmaamay in xaaladda abaareed ee ka jirta Somaliland ay tahay mid khatar ah oo sababtay dhimasho aad u badan iyo weli ba xanuuno ka dilaacay goobahii la iskugu keenay dadka ay abaartu haleeshay isla mar ahaantaana ay dadka ku sugan deegaanaddaasi u baahan yihiin gurmad deg-dag ah.

Dhanka kale madaxda mac-hadkaasi oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa xaggooda xusay in ay diyaar u yihiin in ay codka Somaliland gaadhsiiyaan meel walba isla mar ahaantaana ay barbar istaagi doonaan waxaana ay farxad weyn ka muujiyeen in ay markii ugu horreysay la kulmeen cid masโ€™uuliyiin ah oo ka socota Somaliland isla mar ahaantaana si cad uga ga xog waranta xaaladda ay ku jirto Somaliland iyo weli ba qadiyaddeeda Madax-banaanida oo ay xuseen in ay hada uun si cad u kala oggaadeen farqiga u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.