Madaxda Maamul-goboleedyadda oo la Filaayo Inay Kulan Yeeshaan

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweyneyaasha Dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Juballand ayaa lagu wadaa maanta inay kula kulmaaan magaalada Muqdisho wakiilada xubnaha beesha Caalamka.
Kulankan ayaa waxaa uu ka dhacayaa Tendhada Afisyoone kadib markii wadahadalo gaar gaar ah ay ka dhacayeen maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa loogaga hadlayaa sidii heshiis loogaga gaari lahaa ajandaha shirka guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo xoog leh oo lagu doonayo in laga gaaro xal kama dambeys ah khilaafka doorashooyinka dalka Soomaaliya.