Madaxa Ololaha WADDANI oo Isbar-bar Dhig Ku Sameeyey Murashaxiinta KULMIYE iyo WADDANI

Hargeysa – (warsoor) – Madaxa Ololaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Aqoonyahan Xamse Kheyre, ayaa is-bar-bar dhig ku sameeyey waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin Murashaxiinta Madaxweynenimo ee Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, waxaana uu tilmaamay in Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI uu yahay shakhsi u qalma hoggaaminta dalka oo uu tilmaamay in uu yahay ninkii dalka u horseedi lahaa horumar iyo ictiraaf caalami ah oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka isaga oo dhanka kale na Muuse Biixi ku sheegay in uu yahay shakhsi aan ka soo shaqeynin xafiis dawladdeed marka laga yimaado muddo kooban oo uu sannadkii 1994kii uu soo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha Somaliland isla mar ahaantaana aan lahayn khibrad dawladdeed iyo weli ba hoggaaminteeda ba.

Aqoonyahan Xamse Kheyre, ayaa sidan ku sheegay mar uu ka hadlaayey kulanka garabka dhallinyarada WADDANI ay ku xusaayeen sannad guuradoodii labaad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aas aasay, waxaana uu sida oo kale ifiyey in Murashaxa Madaxweynaha WADDANI uu yahay shakhsi muddo dheer ka soo shaqeynaayey siyaasadaha arrimaha dibadda, xidhiidhada caalamka iyo weli ba aqoon xeel dheer oo uu tilmaamay in uu u lee yahay diblomaasiyadda taasi oo uu xusay in uu yahay shakhsi ka dhabbeyn kara misna dalka u horseedi kara in uu Ictiraaf dhaba ka helo beesha caalamka.

Xamse Kheyre, waxa uu sida oo kale ka hadlay Machadka Chatham House ee lagu marti-qaaday guddoomiye Cirro isaga oo xusay in Cirro yahay shakhsiga keliya ee fahmi kara misna garanaaya afka lagu la hadlaaya beesha caalamka iyo dalalka aduunka ba isla mar ahaantaana Somaliland ka saari kara xaaladdan adag ee ay maanta ku jirto, waxaana uu yidhi:

“Galabta haddii Eebe oggolaado galabta waxa hay’adda Chatham House la yidhaahdo ee arrimaha dibadda ka hadlaaya Murashaxii Madaxweynaha xisbiga WADDANI ahna guddoomiyahii Xisbiga, aqalkaana ciddii garaneysaa waxa weeye meelaha lagu falan-qeeyo siyaasadaha arrimaha dibadda iyo caalamka ba kuwa ugu muhiimsan, waxaana laba sanno ka hor maanta oo kale waxa ka hadlaayey madaxweynaha Neyjeeriya ee la yidhaahdo Buhaari oo markaa hoggaaminaayey Xisbi mucaarid ah, xiligaana weli ba wadankiisa dhibbaato ayaa ka taagneyd oo Neyjeeriya oo ah wadamada Afrika ugu wanaagsan ee ugu dadka badan leh, dhaqaalaha ugu horreeya markaa waxa dalkaa ka dhacay in maalintii Doorashada lagu beegay olole Milatari oo lagu qaadayo Bokaxaraam si ciidamada Amnigu ay halkaas u galaan oo ay goobaha codeynta ugu shubato sida oo kale na wadankaas Komishankiisu dib u dhac bay ku sameeyeen Doorashooyinkii si la mid inaga sida ay maanta Doorashadeenu dib ugu dhaceyso oo kale,

maalintaa na Buhaari waxa uu tagay London iyo Chatham House si uu dunidii dimuqraadiyadda waday iyo kuwii kale ee wadankaas mucaamalaadka la lahaaba uu u soo sharaxo in ay Neyjeeriya ka go’an tahay in ay doorasho dimuqraadi ah ay galaan oo aanay dib u dhici doonin, ujeeda da uu Murashaxa Madaxweynaha WADDANI halkaas u tagay na kama foga intaas iyo in aanay Somaliland la leexanin Mabda’ ii dimuqraadiga ahaa ee ay qaadatay in uu u soo bandhigo iyo wada shaqeyntii aynu dunida la lahayn oo hoos aad ugu dhacday si uu ugu soo qanciyo in aanay xidhiidhka ugu goynin, waxaana uu wada hadalo fara badan oo noocaas ah uu la yeelan doonaa Madaxda dalka Ingiriiska. Buhaari na waa uu guuleystay markii uu kulankaas soo qaatay waxaana aan rajeynaa in Cabdiraxmaan na uu guuleysan doono marka uu dib dalka ugu soo laabto.”.

Xamse Kheyre oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi: “Nimanka tartamaaya Cabdiraxmaan Cirro oo keliya uun baa garanaayo waxa uu yahay Chatham House iyo dunida sida loo la macaamilaayo, halka laga gelaayo iyo afka lagu la hadlaayo fagaaraha ba, madaxweynahii aqoonsiga weeye, madaxweynahii maanta oo Somaliland ay muhiim gaara u yeelatay weeye oo gobalka iyo xidhiidhka aduunka aynu la lee nahay ee ganacsiga badda cas ba inagu xidhi kara, waa madaxweynahii aynu maanta u baahneyn ee dunida la macaamili lahaa weeye, waxaana aan u rejeynayaa dadka reer Somaliland in ay fursad siiyaan.”.

Madaxa Ololaha WADDANI Aqoonyahan Xamse Kheyre, waxa uu sida oo kale tilmaamay in Madaxweyne Cigaal dabadii uu Cabdiraxmaan Cirro yahay shakhsiga keliya ee dalka gaadhsiin kara horumar sida oo kale na u horseedi kara Ictiraaf dhaba isaga oo dhanka kale na meesha ka saaray in Muuse Biixi uu doorkan u qalmi hoggaaminta dalka, waxaana uu tibaaxay in Cabdiraxmaan Cirro yahay ninka keliya ee u qalma hoggaaminta dalka.

“Ninkaa(Cabdiraxmaan Cirro), waxa uu wadanka yimi xiligii uu Cigaal wadanka xukumaayey, Cigaal na xili buu innoo yimi oo wadanku marxaladdii uu maraayey waa uu inaga saaray, maanta na ninka kale ee Ilaahay innoo soo diray waxa weeye Cabdiraxmaan oo ah in ay reer Somaliland gartaan fursaddaas na la eegaan, Somaliland na maanta ayey ugu dhow dahay in ay aqoonsi caalami ah dunida ka hesho laakiin waxa ay u baahan tahay dadkeedii, Cabdiraxmaan na muddo soddon sanno ah oo arrimaha dibaddaa, xidhiidhada caalamka iyo diblomaasiyadda ah ayuu lee yahay, ragga la sharaxanna qaarkood xattaa xafiisyo dawladdeed kamay soo shaqeynin tusaale ahaan Muuse Biixi Cabdi oo kale marka la ga yimaado muddo yar oo kooban oo uu 1994kii uu soo ahaa wasiirka arrimaha gudaha mooyaane inta kale xirfaddiisu Milatari uun bay ahayd markaa dagaal ma gelayno oo halganka aynu imika gelaynaa waa kii horumarka se ninkaasi wakhtigiisii wuu soo qaatay amaana waanu ugu haynaa laakiin halganka maanta la gelaayo ee Somaliland ay aqoonsiga ku dooneyso Cabdiraxmaan baa ku habboon ee Cabdiraxmaan aynu u doorano, sidaas baana aanu dadka reer Somaliland ka codsaneynaa.”.Ayuu yidhi Xamse Kheyre.

Halkan ka daawo warkan:

https://www.youtube.com/watch?v=sykNqoOJdwU&feature=youtu.be

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Madaxa Ololaha WADDANI oo Isbar-bar Dhig Ku Sameeyey Murashaxiinta KULMIYE iyo WADDANI

Hargeysa():-Madaxa Ololaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Aqoonyahan Xamse Kheyre, ayaa is-bar-bar dhig ku sameeyey waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin Murashaxiinta Madaxweynenimo ee Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, waxaana uu tilmaamay in Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI uu yahay shakhsi u qalma hoggaaminta dalka oo uu tilmaamay in uu yahay ninkii dalka u horseedi lahaa horumar iyo ictiraaf caalami ah oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka isaga oo dhanka kale na Muuse Biixi ku sheegay in uu yahay shakhsi aan ka soo shaqeynin xafiis dawladdeed marka laga yimaado muddo kooban oo uu sannadkii 1994kii uu soo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha Somaliland isla mar ahaantaana aan lahayn khibrad dawladdeed iyo weli ba hoggaaminteeda ba.