Madax badan oo ka qaybgashay Caleema Saarka Madaxweynaha JF Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) -Xafalada Caleema Saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynayaasha Kenya, Jabuuti, R/wasaaraha Itoobiyaha, Madaxweyne ku xigeenka Wadanka Suudaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Wadanka Masar, wafdi ka socda dowladda Kuwait, Wakiilo ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, Dowladaha Maraykanka iyo Turkiga.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Macheal Keating ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay heesato Taageerada Beesha Caalamka oo dhan Shacabkana looga baahanyahay inay la shaqeeyaan.

Sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa asna sheegay inuu u hambalyeynayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

“Midowga Afrika Adiga iyo Shacabkaaga ayuu la jiraa Mudane Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Danjire Madeira.

R/wasaaraha Itoobiyaha Hailemariam Desalegn ayaa sheegay dhankiisa in dowladda Itoobiya ay aad u taageerayso Soomaaliya isla markaana ay ka caawinayso dhinacyada Ammniga iyo la dagaalanka Argagixisada.

“Doorashada Soomaaliya ka dhacday waxay tusaalo u tahay wadamada Qilaafaadka uu ka jiro” ayuu sidoo kale yiri R/wasaaraha Wadanka Itoobiya.

Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta ayaa balan qaaday inuu Abuurayo Xiriir Wanaagsan oo Darisnimo iyo Walaaltinimo ku dhisan oo Kenya ay la yeelato Soomaaliya.

Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynaha Jabuuti ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan si loo gaaro wuxuu haminayo shacabka oo ah in la gaaro Soomaaliya oo wax la qaybsanaysa dunida inteeda kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo hadal ka jeediyay Munaasabada ayaa u mahadceliyay dhamaan madaxdii ka soo qaybgashay munaasabadda wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay inay xiriir wanaagsan ay la yeelato dunida inteeda kale.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya dhibaatooyinka haatan horyaala wadanka, oo loo baahanyahay in si deg deg ah wax looga qabto si Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto.

“Caqabada ugu waaweyn waxaa ka mid ah, amni xumo, abaaraha, dhameystirka dib u heshiisiinta, dib u soo celinta kalsooniga shacabka, yareynta Faqriga, kobcinta dhaqaalaha, jiheynta muqurqa dhallinyarada, xoojinta dowladda, xoojinta federaalka, iyo xoojinta xiriirka arrimaha dibadda.” Ayuu yiri Madaxweynaha JF Soomaaliya.

Mar uu ka hadlay dhanka ciidammada ayuu sheegay Madaxweynaha in dowladiisa ay hubin doonto Mushaaraadka ciidamada inay si sax ah u heleen iyo in kale markasta, iyadoo sidoo kale uu madaxweynuhu u mahad celiyay dhamaan wadamada ay ka joogaan ciidamada AMISOM maadaama sida uu sheegay AMISOM Naf iyo maalba ay u hureen dalkeena.

Mudane Farmaajo ayaa ka hadlay colaada magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in dowladiisa ay ku dadaali doonto sidii loo dhamayn lahaa colaadaas oo aysan mar danbe u soo laaban.

“Dib u heshiisiinta waa geeddi socodka mar hore soo bilowday. waxaan dhameystiri doonnaa dib u heshiisiintaas. Waxaa ceeb nagu ah kala qobqobnaanta Soomaalida wada dhalatay”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Cadaaladda ayuu sheegay Madaxweynaha inay muhiim u tahay dowladiisa asagoo xusay in dib u eegis lagu samayn doono nidaamka cadaalada si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan kalsooni.

“Waa in la soo celiyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladda. Waa in dowladda ay noqotaa mid u adeegta oo aan ka adeegan shacabka. Mid u tureta shacabka, oo aan ku tuman.” Ayuu yiri Madaxweynaha dalka.

Mudane Farmaajo ayaa balan qaaday Dowladda Soomaaliya inay xoojin doonto xiriirka ay la leedahay dunida inteeda kale maadaama aduunyada oo dhan ay haatan isku baahantahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.