Madasha Golaha Horumarinta Qaranka oo maanta ka furmay Muqdisho

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madashan oo ay ku mideeysan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarnta Dhaqaalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Gobaleedyada ayaa looga arinsanayaa Horumarinta Qaranka guud ahaan, gaar ahaana arimaha kala ah:- hannaanka wada shayeynta, iskaashiga, u adkeysiga masiibooyinka soo noq-noqday, Sidoo kale waxaa lagu kala dhagaysan doonaa warbixinno la xiriiri kobcinta dhaqaalaha, xakameynta iyo ka hortaga saameynta masiibooyinka, iyo habsami u fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Shirka Golaha oo maanta la furmay ayaa socon doonba muddo laba maalmood ah, waxaana ka qeyb galaya qaar ka mid Wasiiradda Qorsheynta dowladda gobaleedyada, Agaasimaha Guud iyo agaasime waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada, la taliye-yaal sare.

Madashan waxaa la filaya in la’isku weydaarsado fikrado muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan adkeynta hannaanka wadashqeynta labada heer ee dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay kasoo bixi doonaan talooyin wax ku ool ah oo fulintooda qeyb mug leh ka qaadan doono hoos u dhigidda saboolnimada, joogteynta kobac dhaqaale waara, iyo sidoo kale sare u qaadista heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Asad Yusuf Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Qaranka ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimada ay leedahay Madassha horumarinta Qaranka, “madashaan golaha hormarinta qaranka waa madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradaha qorsheynta heer Federaal iyo heer maamul goboleed oo ay hoggaaminayso Wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ayna soo bilaabatay 2016 dii doorka aan ku leenaahy hormarinta qaranka waa hagida iyo isku duwista qaranka”.

Madaxda ka socday dowladd gobaleedyada oo furitaanka shirka hadlo kooban ka jeedyay ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ka socda deegganadooda iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyagoo tilmaamo ka bixyay Abaaraha ka jira deegnadooda.