Maayarka Caasimadda Iyo Golihiisa Deegaanka Oo Shir Balaadhan La Yeeshay Dadweynaha Reer Hargeysa

Hargeysa – (WARSOOR) – Maayar-ka Caasimada Hargeysa Md Cabdikariim Axmed Mooge Oo Ay Wehelinayaan, Xoghayaha Fulinta Caasimada Hargeysa, Xubno kamid ah Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, Guddoomiyeyaasha Siddeedda Degmo iyo Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waax-yaha Kala Duwan ee Dawladda Hoose, Ayaa Maanta oo ah Maalintii Dadwaynaha Kulan Kula qaatay Xarunta Dhexe ee Dawlada Hoose.

Kulankan Dhexmaray Maayarka Caasimadda Iyo Dadweynaha Reer Hargeysa, Ayaa Lagu naaqishay cabashooyinka Dadweynaha Reer Hargeysa Ka Adeeg-yadda Kala Duwan Ee Dawladda Hoose Ee Caasimadda Iyo Siddii Ay Masuuliyiinta Sare Ee Dawladda Hoose Ee Caasimadda Hargeysa wax Uga Qaban Lahaayeen.