Maayar Ku Xigeenka Caasimadda Hargeysa Oo Soo Kormeeray Waddada Halbawlaha Ah Ee Hargeysa

Hargeysa – (WARSOOR) – Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Khadar Nuur oo uu weheliyo xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee Hargeysa ayaa soo kormeeray badhtamaha suuqa weyn ee caasimadda Hargeysa, kaasoo shalay waddo bannayn iyo nadiifin laga sameeyay.

Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Khadar Nuur ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa inay dalwadda hoose ay kala shaqeeyaan bilicda iyo nadaafadda magaalada, si ay Hargeysi ay u noqoto magaalo nadiif ah, bilicsan isla markaana lagu noolaan karo.

Maayar ku xigeenku waxa uu intaas ku daray inay u mahadcelinayaan cidkasta oo ay ka qayb qaadatay bannaynta waddada wadnaha ee dhex marta caasimadda, isagoo tilmaamay in shaqaalaha nadiifinta ama qashin ururintu xalay illaa saaka ay ku jireen sidii ay u nadiifin lahaayeen inta u dhexeysa saldhiga dhexe illaa Musajaamaca weyn ee Hargeysa, oo ah meelaha ay dawladda hoose bannaysay uguna dhibta badnaa waddada halbawlaha.

Ku xigeenka maayarka caasimadda Hargeysa waxa uu intaas raaciyay inaanay marna ka daalayn sidii magaaladani ay u noqon lahayd mid la mid ah caasimadaha kale ee la ayniga ah, isagoo xusay in mustaqbalka dhaw ay qurxin doonaan jidadka iyo goobaha kale caamka ah ee bulshadu ay isugu timaaddo sida barxadaha iyo goobaha laga raaco gaadiidka dadweynaha.

Gebogebadii, waxa uu ugu baaqay bulshada in waxqabadkaasi ay waddo dawladda hoose ee Hargeysa lagala shaqeeyo.