Maanso: Dillaal!

Maansadan waxa la yidhaahdaa ‘Dillaal’, waxay soo baxday maanta oo bishu tahay 11 February 2017. Si-aragga siyaasiga wakhtigan iyo marxaladda ay Jamhuuriyadda Somaliland ku jirto ayaan ku cabbirayaa.

Dhaaxaan samir soo dugsaday,

Dhaaxaan runta saaray daah,

Dhaaxaan dul ka-xaadiyoo,

Dhaxaan deday boogahee,

Dhaaxaan cadowguun duree,

ilmaan iska duugayaa,

Dibnaan badh qaniinayaa,

Waxay damqanaaya jiidh.

Carooggii dadweynahoow,

Abwaankii daacadoow,

Muwaadin dantii raboow,

Danyariyo hoy laawahoow,

Darbiga kuwa jiifsadoow,

Dayacan kuwii Miyiga’oow,

Kuwii dalandoolayoow,

Doonyihii baddu qaaddayoow,

Caruurtii dabar go’doow,

Intii diric hoos tagoow,

Intii baaqiya dadoow,

Danaan dan ku beegayee,

Dhegaha hadal maw duxaa?

Guduhu waa daleel cidlaa,

Daan iyo daan kala qoqoban.

Daacuunba kala dhex yaal,

Ul iyo diir dadkii ahaa,

Dantii guud warkeeda daa,

Dalkii madhayoo idlaa,

Dukaannaa loo furtoo,

Dilaallaa kala xukuma.

Waxaan dedayaa ka weyn,

Rabbow dalba juuqahee,

Dalkani dowlad buu lahaa,

Dadkaa dirtayoo igamaday,

Xor iyo doorashay ahayd,

Dareen shacab bay ahayd,

Doonisiyo aamin bay ahayd,

Wixii duubka loogu xidhay.

Beenaha kuma diirsadee,

Xilkii doollar buu arkaa,

Dhaartii Dirham baa bedelay,

Sidii daadduun mar helay,

Durdur lacag uun burqada,

Ayay ku gureen dalqada,

Daldalshe xoolihii agoon,

Maatida dayacani lahayd.

Naxariis dumar baa lahaa,

Ka daaya Marwaa lahayd,

Haddii duqu kaa qaldamo,

Gartana doorkeed ka lumo,

Marwaa dedda ceebihii,

U diidda in deris maqlee,

Maxaa tolow diiday taana?

Dariiqa haddaad ka baydho,

Haddaad doorkaa bannayso,

Maxay dabadaa ku dhiirran,

Haweenkiyo jiil dambeeyaa?

Dulucda waxaan uga socdaa,

Caanihii daataa la yidhi,

Dibbaa loo qaban jiree,

Intii hadhay doobbigay,

U socdaan dabayaaqadoo,

Maantana dekedday tustee,

Dantii amnigay tustee,

Qalin kuwa ku duugayoow,

Dir cunno ha noqoninee,

Deebaaq iyo waa suntii,

Dacar aad isu laaqaysee,

Dib eeg aakhiro jalleec,

Ducada maanta qaata’oo,

Dulmiga maantayska diid,

Damiinnimaday iska xoor,

Damiir laawana ha noqon,

Naanaysihii doorkii hore,

Maantaba daadxoorta saar.

Ciddaan middidayda daabka,

U dhiibeen door bidoow,

Intaad degelkaa cunayso,

Intaad dirgo aad isleeday,

Cid baa danahayga diiddan,

Anaa dekedaha gadaaya,

Kumaa diidoo hadlaaya,

Kumaa xadhig door-bidaaya,

Intaad duuduub ku buuxso,

Damiirkaagoo ku siiyay,

U doonyaysanayso heedhe,

Bal daymood hareerahaaga,

Waxaa dadqal goonyahaaga,

Waraabaha soo dinnaahin,

Waxaan kuu diir-naxayneen,

Dadkaagii sheeganaaya!

Danteennu ka weyn dantaada,

Dalkeennu ka mudan dillaalka.

Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin,

Hargeysa, Somaliland – 2017.

qalinbila01@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Maanso: Dillaal!

Maansadan waxa la yidhaahdaa ‘Dillaal’, waxay soo baxday maanta oo bishu tahay 11 February 2017. Si-aragga siyaasiga wakhtigan iyo marxaladda ay Jamhuuriyadda Somaliland ku jirto ayaan ku cabbirayaa.

Dhaaxaan samir soo dugsaday,

Dhaaxaan runta saaray daah,

Dhaaxaan dul ka-xaadiyoo,

Dhaxaan deday boogahee,

Dhaaxaan cadowguun duree,

ilmaan iska duugayaa,

Dibnaan badh qaniinayaa,

Waxay damqanaaya jiidh.

Carooggii dadweynahoow,

Abwaankii daacadoow,

Muwaadin dantii raboow,

Danyariyo hoy laawahoow,

Darbiga kuwa jiifsadoow,

Dayacan kuwii Miyiga’oow,

Kuwii dalandoolayoow,

Doonyihii baddu qaaddayoow,

Caruurtii dabar go’doow,

Intii diric hoos tagoow,

Intii baaqiya dadoow,

Danaan dan ku beegayee,

Dhegaha hadal maw duxaa?

Guduhu waa daleel cidlaa,

Daan iyo daan kala qoqoban.

Daacuunba kala dhex yaal,

Ul iyo diir dadkii ahaa,

Dantii guud warkeeda daa,

Dalkii madhayoo idlaa,

Dukaannaa loo furtoo,

Dilaallaa kala xukuma.

Waxaan dedayaa ka weyn,

Rabbow dalba juuqahee,

Dalkani dowlad buu lahaa,

Dadkaa dirtayoo igamaday,

Xor iyo doorashay ahayd,

Dareen shacab bay ahayd,

Doonisiyo aamin bay ahayd,

Wixii duubka loogu xidhay.

Beenaha kuma diirsadee,

Xilkii doollar buu arkaa,

Dhaartii Dirham baa bedelay,

Sidii daadduun mar helay,

Durdur lacag uun burqada,

Ayay ku gureen dalqada,

Daldalshe xoolihii agoon,

Maatida dayacani lahayd.

Naxariis dumar baa lahaa,

Ka daaya Marwaa lahayd,

Haddii duqu kaa qaldamo,

Gartana doorkeed ka lumo,

Marwaa dedda ceebihii,

U diidda in deris maqlee,

Maxaa tolow diiday taana?

Dariiqa haddaad ka baydho,

Haddaad doorkaa bannayso,

Maxay dabadaa ku dhiirran,

Haweenkiyo jiil dambeeyaa?

Dulucda waxaan uga socdaa,

Caanihii daataa la yidhi,

Dibbaa loo qaban jiree,

Intii hadhay doobbigay,

U socdaan dabayaaqadoo,

Maantana dekedday tustee,

Dantii amnigay tustee,

Qalin kuwa ku duugayoow,

Dir cunno ha noqoninee,

Deebaaq iyo waa suntii,

Dacar aad isu laaqaysee,

Dib eeg aakhiro jalleec,

Ducada maanta qaata’oo,

Dulmiga maantayska diid,

Damiinnimaday iska xoor,

Damiir laawana ha noqon,

Naanaysihii doorkii hore,

Maantaba daadxoorta saar.

Ciddaan middidayda daabka,

U dhiibeen door bidoow,

Intaad degelkaa cunayso,

Intaad dirgo aad isleeday,

Cid baa danahayga diiddan,

Anaa dekedaha gadaaya,

Kumaa diidoo hadlaaya,

Kumaa xadhig door-bidaaya,

Intaad duuduub ku buuxso,

Damiirkaagoo ku siiyay,

U doonyaysanayso heedhe,

Bal daymood hareerahaaga,

Waxaa dadqal goonyahaaga,

Waraabaha soo dinnaahin,

Waxaan kuu diir-naxayneen,

Dadkaagii sheeganaaya!

Danteennu ka weyn dantaada,

Dalkeennu ka mudan dillaalka.

Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin,

Hargeysa, Somaliland – 2017.

qalinbila01@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.